”Waxaa jirta dhibaato la xallin la’yahay oo Soomaalida ka haysata inay guurkooda diiwaangeliyaan!” – Sh. Yuusuf (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 10 Dis 2021 – Muslimiinta ku dhaqan woqooyiga Sweden ayay ku adag tahay inay guurkooda diiwaan geliyaan, gaar ahaan marka ay lamaanuhu doonayaan inay guurkooda ku qoraanka diiwaanka Wakaaladda Dad-dhigista & Canshuurta ee loo yaqaan Skattevarket. Cillada jirta ayaa waxaa ugu wayn in woqooyiga ay aad ugu yar yihiin culimada haysata rukhsadda la aqoonsan yahay.

Haddaba Sheekh Yuusuf Axmed oo ka mid ah culimada haysata rukhsadda ayaa isaga oo ku sugan magaalada Göteborg nooga warramay shuruudaha la iskaga baahan yahay & dhibaatada arrintan ka haysata Soomaalida.

”Waxaa adag in Skatt-ku uu ku diiwaangeliyo haddii qof ka mid ah amaba labada lamaane aysan haysanin warqado la aqoonsan yahay.” ayuu yiri Sheekh Yuusuf

Hadalsame Media