Waxay ka dalbatay warqad ka hadlaysa waxyaabaha ay ku xun tahay (Haddaba muxuu sameeyey?!)

0

(Hadalsame) 09 Dis 2021 – Gabar baa waxay ninkeeda ka dalbatay inuu u qoro warqad ka turjumaysa sifooyinkeeda xun ee ay leedahay si ay wax uga beddesho uguna jawaabto codsi gaar ah oo kaga yimid dallad ay dumarka ku midaysan yihiin oo aalaaba xog aruurin joogto ah ku sameeya arrimaha qoyska iyo nolosha la xariira oo ay gabadhu ka tirsanayd.

Ninkii gabadha qabay waxa uu qalinka u qaatay warqad dheer si uu sharraxaad waafi ah uga bixiyo tilmaamaha xun ee ay xaaskiisa kula dhaqanto waxa uuna yiri – aniga waan jeclahay xaaskayga mana ku arkin wax ceeb ah oo aan ka sheego, dabadeed intuu warqaddii xiray ayuu u dhiibay xaaskiisa sidaas ayayna ku gaartay guddigii haweenka ee baaritaanka ugu jiray in ay aruuriyaan macluumad dhab ah oo ku saabsan dabeecadaha qalafsan ee ay dumarka kula joogaan raggooda marka ay guursadaan.

Haddaba sida caadiga ah maalintii xigtay ayuu ninkii guriga ku soo laabtay si uu daalkii shaqada iyo buuqa magaalada uga nasto, nasiib wanaag maanta waa maalin ka duwan maalmihii hore, waxay indhahiisu qabteen xaaskiisa oo taagan meel albaabka dhinaciisa ah gacantana ku haysa ubax qurux badan isla markaana la ilmaynayso farxad saa’id ah oo wejigeeda laga dareemayo marka aad milicsato.

Waxaa ninkii lama filaan ku noqotay dhacdada ay xaaskiisa ugu warrantay oo ah in ay ammaan ballaaran ka heshay dadweynaha maadaama ay ku guulaysatay farriintii uu ka gudbiyay loona aqoonsaday in ay tahay gabar wanaagsan oo ninkeeda sharafto taasina ay tahay waxa laga doonayo qoys kasta oo nolosha ku bahoobay.

Dhanka kale ninkii oo u jawaab celinayo xaaskiisa ayaa waxa uu hadalkiisa ku billaabay – waan awooday inaan caddeeyo xumaan badan oo aad deris la tahay laakiin waxaan ogaaday in xalku uusan ku jirin inaan ceebahaaga cid naga baxsan la wadaago.

Si kastaba gabadhii waxaa dhalaalay qalbigeeda waxayna wacad ku martay in ay wanaajiso ninkeeda inta ka dhiman nolosheeda iyada oo sabab uga dhigtay ficilka ku dayashada mudan ee uu gacaliyaheeda ku kasbaday.

Guud ahaan xikmadda ku jirto sheekada waxa ay tahay in la qariyo ceebaha dadka haba ugu darnaato marka shaqsiyaad kale hortooda laga sheego waayo khalad laguma saxo khalad balse wanaagga oo qurra ayaa toosin karo qofka, abuuri karo farxad iyo jaceyl waana midda keliya ee lagu hanan karo nolol macaan oo naxariis iyo ixtiraam ku dhisan.

Qalinkii: Cabdiqani Gaarane Barre (Dufle)

Hadalsame Media