Maxaadan ku baraarugsanayn oo uu tusmaynayaa fasaxa Khamiista & Jimcaha ee la rafacay maxaase xigi kara?!!

0

(Hadalsame) 08 Dis 2021 – Dalka saliidda ku hodonka ah ee Khaliijka dhaca ee Imaaraadka Carabta ayaa shalaytoole sheegay in uu maalmaha fasaxa u wareejinayo Sabti & Axad, isagoo ku dooday inuu tillaabadan u qaaday si uu dhaqaalihiisa u waafajiyo wax lagu sheegay caalamka, waxaana nidaamkani dhaqan-gelayaa wixii loo gaaro 1-da Jannaayo 2022.

Shaqooyinka iyo howlaha bulshada sida iskuullada ayaa bilaabmaya Isniinta iyagoo soconaya ilaa 12:00 Jimcaha in yar uun kahor xilliga Salaadda Jimcaha.

”Waxaannu doonaynaa in aannu fududayno raacista hannaanka dhaqaale iyo ganacsi ee dalalka fasaxan Sabtiga iyo Axadda, si aannu u yeelanno xiriir ganacsi oo caalami iyo fursado”. ayuu yiri Mohammed Ali Yasin, oo ah madaxa istaraatijiyadda Dowladda oo ka hadlayey Abuu Dabeey.

Warbaahinta caalamka, gaar ahaan midda Galbeedka ayaa durba sheekadii qaad qaadday, iyadoo Wakaaladda Wararka Reuters, CNN IWM, ay markiiba ku doodeen in Imaaraadku uu haatan la ”jaanqaadi doono suuqyada caalamka.”

Waa war culus oo ka dhigan in Imaaraadku aanu markii hore caalamka ka tirsanayne uu iminka kusoo biirayo.

Dad badan ayaa arrintan ku tilmaamay tillaabadii ugu horreeysey ee lagu burburinayo dhaqanka iyo shacaa’irta Islaamka oo awalba weerar culusi haystey, waayo Islaamku wuxuu ka mid yahay diimaha iyo ilbaxnimooyinka dunida ku loollamaya.

Sidaa darteed, ma jirto sabab loo tuuro fasaxyada & ciidaha Islaamka, tusaale ahaan Hindiya iyo Shiinuhu marna aqbali maayaan inay tuuraan sanadohooda iyo fasaxyadooda soo jireenka ah, si ay u qanciyaan Galbeedka, waayo taasi waxay muujinaysaa inaad leedahay ”idinkaa iga wanaagsan oo aan idinku dayanayaa.”

Waa caadi in lakala qaato wixii cilmi iyo farsamo ah oo aan diinta & caqiiqadada wax u dhimaynin, yeelkeede, in la tuuro Khamiis & Jimce waxaa xigaysa in sidoo kale la yaraysto maalmaha ciidaha Islaamka ah laftooda iyo guud ahaanba diinta.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media