”Lug bay ku leeyihiin!” – MW Uganda oo eed culus u jeediyey kooxo ku sugan Somalia & Kenya

0

(Kampala) 07 Dis 2021 – MW Uganada ee Yoweri Museveni oo la hadlayey Reuters, ayaa tilmaamay in Shiinuhu uu u jeedo fursadaha Afrika oo uu qaadanayo, halka reer Galbeedku aysanba lahayn indho wax u jeedo iyo rabitaan balse ay ku jiraan lacag urursi uun, sida uu yiri.

Museveni, oo kursiga hayey tan iyo 1986-kii isla markaana ka mid ah kali talisyada ugu cimriga dheer qaaradda, ayaa sheegay inay iminka wadaan 5 heshiis oo ay la gelayaan bankiyada qaamaha gaarka ah bixiya ee Shiinaha si loo dhiso kaabayaal dhanka beeraha, bacriminta iyo macdan sifaynta ah.

Mar uu ka hadlay qaraxii 16-kii Nofeembar ka dhacay Kampala oo ay 3 qofi ku dhinteen, wuxuu ku eedeeyey Allied Democratic Forces (ADF) kuwaasoo uu sheegay inay xiriir la leeyihiin Daacish, iyadoo uu Museveni ku dooday inuu hayo caddaymo muujinaya iskaashi qalaad.

“Qaraxyadii dhowaan ka dhacay Kampala, waxaan ka haynaa caddaymo muujinaya in lala kaashaday kooxo ku sugan Kenya iyo Somalia.” ayuu yiri Museveni. “Laga yaabee in aan talis ahaan loo kaashan, balse si kale haa.”

Hadalsame Media