DARAASAD CUSUB: Dawada Viagra-ha oo yarayn kartaa halista cudurka lalleemada (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 07 Dis 2021 – Daawada xoojisa tamarta galmada ama jimaaca ee loo yaqaano Viagra ayaa la sheegayaa in ay hoos u dhigi karto khatarta xanuunka Alzheimer boqolkiiba 69. Sida lagu sheegay daraasad ay sameeyeen cilmi-baarayaal Maraykan ah.

Prof. Bengt Winblad, oo ka howlgala machadka Karolinska ayaa ku tilmaamay cilmi baaristaasi in ay tahay mid xiiso leh, mar uu la hadlayay Ekot.

”Runtii ahaantii xogta cilmi-baaristu waa mid xiiso leh, balse loo baahan yahay cilmi-baaris badan iyo tijaabooyin caafimaad,” ayuu yiri Pro. Bengt Winblad o cilmi-baaris dheer ku sameeya xanuunada dhimirka ah.

Cilmi-baarayaasha ayaa mudo dheer baadigoobayay ku dhawaad 1600 nuuc oo dawa ah oo ay isticmaaleen dad gaaraya ilaa 7-milyan oo ruux iyo sida uu u saameeyey khatarta ah in uu qofla ku dhaco cudurka lalleemada ama Alzheimer’s.

Hadalsame Media