”Xiriirkeenna ma aha in shisheeye soo farageliyo!” – Imaaraadka oo kulan la qaatay Iiraan

0

(Tehraan) 06 Dis 2021 – Iiraan ayaa soo dhoweysey tadawurka cusub ee uu samaynayo xiriirka ay la leeyihiin Imaaraadka, sida uu goor dhowayd sheegay MW Ebrahim Raisi oo halkaa ku qaabilayey sarkaal sare oo Imaaraati ah.

La Taliyaha Amaanka Qaranka Imaaraadka, Tahnoun bin Zayed Al Nahyan, oo horayna u booqday Turki iyo Qadar oo ay xiriirka la wanaajinayaan, ayaa halkaa tegey isagoo casuumaad ka helay Ali Shamkhani, Xoghayaha Ilaalada Jamhuuriga.

Wuxuuna la kulmay Madaxwaynaha muxaafidka ah ee Ebrahim Raisi, waana booqashadii ugu horreeysey ee nooceeda ah tan iyo markii hoos loo dhigay xiriirka labada dal 2016-kii, goortaasoo uu Imaaraadku xiriirka u jaray Tehraan kaddib markii la weeraray Safaaradda Sucuudiga oo lagu kacay kaddib markii ay toogteen wadaad Shiici ah.

“Xiriirka laba dal oo Muslim ah ma aha inay soo dhex gasho faragelin shisheeye.” ayuu MW Raisi ku yiri IRNA.

Iiraan iyo dalalka 6-da ah ee Iskaashiga Khaliijka ayaa kala taageera dhinacyo is diiddan min Yaman, Libya ilaa Suuriya, balse bilihii dambe waxaa is bedelayey arrintaasi iyadoo ay ilaa haatan dhowr wareeg oo wadahadal ihi xitaa dhexsadeen Sucuudiga iyo Iiraan, waloow aysan weli gaarin heer sare.

Hadalsame Media