Haddii aad Muqdisho joogto 7-dan talo maanka ku hay marka aad Bajaaj raacayso

0

(Hadalsame) 03 Dis 2021 – Muqdisho ma joogtaa? Bajaaj hadii aad raaceyso intaan qodob ayad uga badbaadi kartaa Xabadaha ciidanka dowladda ay ridayaan.

1 – Raac Bajaaj uu wado Darewal da’diisu tahay meel dhexaad 25+ sano.

2 – Raac Bajaaj aan music ka daarneen. (No Music) Waayo hadhow waxaa dhaceysa inuu maqli waayo hadalada ciidanka dowladda kadibna rasaas lagu furo.

3 – Hadii aad dareento Bajaajta inuu qofka si xoog leh u wado u sheeg inuu tartiib u wado. Hadii uu kaa diidana isaga dag.

4 – Hadii darewalka Bajaajta aad saaran tahay iyo askari ay murmaan inta aysan muranka bilaabin adiga ka dag si waliba dhaqso leh. Waxaan ku dhahay dhaqso uga dag.

5 – Bajaajta hadii meel mashquul badan ay gasho ka dag oo mid kale ka qabso.

6 – Hadii bajaajta aad saaran tahay uu wado qaldan galo u sheeg inuu seedka saxan ku socdo.

7 – Hadii wado aan ahayn midii aad taqaanay uu kula aado fadlan kadag hana ku qancin inuu kaa dhaadhiciyo inuu kala yaqaano magaalada.

Fadlan qodobadaan qaado oo ku dhaqan. Ciidanka dowalda leyn ayey ku wadaan shacabka Muqdisho ee bajaajta saaran.

W/Q: Idriis Cabdulqaadir

Hadalsame Media