DEG DEG: Booliiska oo soo qabtay nin loo haysto dilka 2 dhallinyaro ah oo walaalo ahaa xilli mid kale caawa ay ciidamo ku dileen Muqdisho

0

(Muqdisho) 03 Dis 2021 – Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay soo qabteen eedaysane loo haysto dilka 2 dhallinyaro ah oo walaalo ahayd oo xalay lagu diley Muqdisho.

“Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in baaritaan ka dib ay maanta ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan eedaysenayaashii xalay rasaasta ku dilay labada marxuum ee kala ah Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowda Maxamuud Xuseen, ayaa lagu yiri war kasoo baxay Booliiska.

“Eedaysaneyaasha oo kala ah Cabdiwaayeel Macallin Aadan iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan ayaa hadda ku jira gacanta Dowladda, iyada oo la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh

“Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxa uu har iyo habeen u taagan yahay ilaalinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa shacabka ka codsanaynaa in ay si dhow u la shaqeeyaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.” Ayaa la raaciyey.

Warkan ayaa imana xilli isla caawa ay ciidan ka tirsan DF ay Muqdisho ku dileen wiil kale oo lagu magacaabo Mahad Maygaag oo isna mooto ku joogey.

Hadalsame Media