Kooxda Juventus oo mudan karta in markale loo celiyo heerka 2-aad horyaalna laga xayuubiyo

0

(Milano) 30 Nof 2021 – Juventus ayaa loo celin karaa heerka 2-aad Serie B iyadoo xitaa laga celin karo horyaalkii 2020 haddii ay dembi ku hesho baaris ku socota oo ku saabsan raasumaal si aan sax ahayn loo xisaab xumeeyey.

Sabtigii ayaa weerar lagu qaaday xafiisyada camaaliqadan Talyaaniga ah ee ku kala yaalla Milano iyo Torino si loola soo wareego dokumentiyo muujinaya heshiisyo laacibiin lakala iibsadey intii u dhaxaysey 2019 iyo 2021-kii, kuwaasoo la sheegay in la cayiliyey qiimaha wax lakala siistay.

Kooxda Serie A ayaa lagu haystaa xisaabo been abuur ah sida uu sheegay Guddoonka  CODACONS ee Marco Donzelli, taasoo ah jamciyad ilaalisa danaha dadka wax iibsada ee Talyaaniga, isagoo ku baaqay in horyaalka laga xayuubiyo haddii lagu helo inay cadaalad darro faa’iido ku kasbatay.

Donzelli oo TMW u warramay ayaa sheegay in ‘eeddan haatan soo baxday ay nal ceebaysan ku shidayso horyaalkii ugu dambeeyey ee ay Juve qaadday iyo sanadihii dambe ee ay xoogga ku haysatey horyaalka Talyaaniga’.

”Haddii ay Juventus si sharci darro ah ku guulaysatey oo ay sidaa uga sad roonaatay kooxaha lidka ah, markaas waa in laga xayuubiyaa horyaalkoodii ugu dambeeyey oo la ciqaabaa.” ayuu yiri.

Hay’adaha ku shaqada leh ee Talyaaniga ayaa haatan gacanta ku haya dokumentiyada iyo qaan-sheegtooyinka heshiisyada la galay kaddib markii ay galeen xafiisyada kooxda, waxaana lagu dheggan yahay 6 sarkaal oo ay ku jiraan Guddoonka kooxda, Andrea Agnelli Xigeenkiisa Pavel Nedved iyo Maareeyihii Ciyaaraha ee Juventus Fabbio Praticci oo haatan ku sugan kooxda Spurs.

Hadalsame Media