Talo ku saabsan hadal ay dad badani dhibsadeen oo kasoo yeeray Cusmaan “Buurmadow”

0

(Hadalsame) 29 Nof 2021 – Waxaa weli taagan fal-celinta ka dhalatay hadal uu meel maxfal ah ka sheegay Cusmaan Aw-maxamuud “Buurmadow”, kaasoo uu ku faanayey Axmed Godane, madaxii hore ee Shabaabka.

Yuusuf Garaad ayaa haddaba arrintan maqaal ka qoray: “Talo walaalnimo oo ku wajahan Boqor Buur – Madow iyo Madaxda garab taagnaa.

“Bani’aadamku wuu khaldamaa, laakiin waa in uu isa saxaa. Wax kaftan gala iyo wax kale ayaa kala jira.

“Haddii ay xog-ogaalnimo darro u geysay iyo haddii kaleba Boqor Buur – Madow waxaa ku waajibay in uu la noqdo hadalkiisii ahaa in ay Soomaaliya ka jirto laba Dowladood.

“Waxaa la gudboon in uu raalli-gelin ka bixiyo erayadiisii oo anigu aan u arko in ay qadaf ku yihiin Dowladda Soomaaliya, dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelada dadka faraha badan ee Shabaab dilay, kuwa uu naafeeyay iyo beel-weynta Soomaaliyeed ee sharafta badan ee uu magaceeda ku sidkay arga-gixisnimo.

“Afkooda kama maqal, laakiin Mas’uuliyiinta garbaha ka taagnaa, oo midkood uu xubin ka yahay labada Gole ee dalka ka arrimiya, anigu ma qabo in ay Boqorka isku fikrad ka yihiin aragtidaas.

“Wasiirka waxaan u soo jeedin lahaa in uu iska beri yeelo ereyada culus ee aanuu oran laakiin garab istaaggiisa loo macneyn karo ka raalli ahaashada iyo shabbadda Xukuumadda.” Ayuu kusoo afjaray.

Hadalsame Media