Hadalkii Buurmadow oo lugta lasoo galay madax ka tirsan DF Somalia (Tillaabo loo baahan yahay)

0

(Hadalsame) 29 Nof 2021 – Maalintii dhawayd ee Buurmadoow meesha faraagaha ka hadlayey ee uu ina Godane u ducaaynayey sidoo kale uu lahaa Soomaaliya labo dowladood baa ka jira oo mid Daarood iyo Hawiye madax ka ah midna Dir baa madax ka ah uu alshabaab ulla jeeday inuu dowlad u aqoonsan oo ah koox argagixiso ah oo kumaanaan qof oo soomaaliyeed gumaaday maalin kasta oo dhalatana dad soomaaliyeed dhiigooda daadisa.

Hadalkaas axmaqnimada iyo arxandarrada ah ee Buurmadoow goobtaas ka yiri marka laga yimaado arrinta nasiib darada ah waxaay ahayd inuu garabkiisa taagnaa oo weliba sacab iyo dhoolacadaayn ku soo dhoweeyey Wasiirka Waxbaraashada Dowlada Federalka Soomaaliya Cabdullaahi Carab.

Haddaba waxaa is waydiin mudan Wasiirka oo Al Shabaab oo dowlad loo aqoonsanayo u sacbinayey oo ku faraxsanaa miyaanay waajib ahayn in Wasiirka ficilkaas lagula xisaabtamo oo weliba lagu ciqaabo mas’uulka sida qayrul mas’uullinimada u dhaqmaya.

Buurmadoow waa qof shacab ah 100 jeer waxaa ka dembi badan ninka Wasiirka ah ee weliba Wasaaradda Waxbarashada oo ah hay’ad muhiim oo akhlaaqda iyo barbaarinta dadka qaabilsan mas’uulka ah hadana saas u dhaqmaya iyadoo isla isbuucaas arday Soomaaliyeed oo caruur ah aan waxba galabsan iskuul aay dhiganayaan alshabaab ku xasuuqday.

Wasiir Carab halala xisaabtamo!.

Waxaa Qoray: Xamdaan Xiddig

Hadalsame Media