Waxay ahayd 21-jir doonaysa inay ku biirto wiil ay u doonnayd balse dhexda ayay ku dhimatay (Maxaa dhacay?)

0

(Hadalsame) 28 Nof 2021 – Gabar la yiraahdo Mariam Nouri Hamadameen, oo ah gabar yar oo Kurdish ah oo kasoo jeedda woqooyiga Ciraaq, ayaa ku dhimatay hilinka English Channel ee u dhexeeya Faransiiska iyo UK, sida uu sheegay Sky News.

Hamadameen, 21-jie, ayaa markii ay Ciraaq kasoo tahriibtey soo martay Jarmanka, kaddibna Faransiiska, halkaasoo ay isku dayaysey inay uga gudubto dalka UK si ay ugu biirto wiil ay isu doonan yihiin oo ku nool Britain, sida uu qof qoyskeeda ka mid ah oo la yiraahdo Krmanj Ezzat u sheegay Sky News.

Shilkan ayaa dhacay Arbacadii waxaana ku dhintay 31 qofood, kaddib markii dooni yar oo ah nooca la buufiyo ay kula qallibantey meel u dhow xeebta magaalada Faransiiska ee Calais, waana musiibadii ugu waynayd ee sanadahan yar ee dambe halkaa ka dhacda.

Arrintan ayaa xiisad diblomaasiyadeed ka dhex oogtey dalalka Faransiiska iyo UK oo aan bilihii dambe isku waafaqsanayn sida loo maaraynayo hilin-biyoodka u dhexeeya tan iyo markii ay UK ka baxday EU.

Labada dal ayaa isku raacsan in wax laga qabto qulqulka soo galootiga, balse waxaysan qorshe iyo hab-howleed ka lahayn sida taa looga jiba keeni karo.

Hadalsame Media