Jabuuti oo dayuuraddii 2-aad oo rakaab ah ka heshay dalka Shiinaha + Sawirro

0

(Jabuuti) 24 Nof 2021 – Diyaarad ah nooca Xinzhou-60 ee Shiinaha lagu sameeyo ayaa Sabtidii ka duushay garoonka caalamiga ah ee Kunming Changshui ee gobolka Yunnan ee koonfur-galbeed ee Shiinaha, waxayna ku sii jeedday dalka Jabuuti, taasoo ay samaysay shirkadda Xi’an Aircraft Industry Co. (XAC).

Diyaaraddan ayaa noqonaysa tii 2-aad ee Xinzhou-60 ay keento dalka Jabuuti, waxaana diyaaradan noocaan ihi ay macaamiisheeda ka kasbatay fal-celin wanaagsan tan iyo markii la keenay, sida ay sheegtay XAC.

Diyaaradan ayaa Talaadadii ina dhaaftay ka soo duushay Yanliang, Xi’an, Gobolka Shaanxi waxay soo caga dhigatay Garoonka Caalamiga ah ee Kunming Changshui kaddib safar qaatay saddex saacadood iyo bar ah. Waxaana Jabuuti si rasmi ah loo soo gaarsiiyay Jimcihii.

Diyaaradda ayaa soo safartay Sabtidii, waxayna Jabuuti ku timi kaddib safar dhan 4833 nautical mayl (qiyaastii 8,950 km), iyadoo sii martay lix waddan oo ay ku jiraan Myanmar, Bangladesh, India, Pakistan, Qatar, iyo Saudi Arabia.

Hadalsame Media