”Ninka ”diley” wuxuu kasoo boodey dabaqa 8-aad!” – Gabar BBC u shaqaynaysey oo ”amaandarri” uga soo tagtay Addis Ababa oo Nairobi lagu diley!

0

(Nairobi) 23 Nof 2021 – Booliiska Kenya ayaa baaritaan ku bilaabay gabar BBC u shaqaynaysey oo magaalada Nairobi maydkeeda laga helay.

Kate Mitchell, oo u dhalatay Ingiriiska ayaa u shaqaynaysey BBC Media Action waxaana laga yaqaanney dalal badan oo Afrikaan ah. Waxay dhimatay Jimcihii.

BBC Media Action waa hay’ad arrimaha khayriga ah ee caalamiga ah ugu qaybsan BBC, waxayna samaysaa mashaariic dhanka saxaafadda ah oo uu yoolkoodu yahay in wax lagaga qabto arrimaha sinnaanta, sida ay qortay BBC oo ay 14 sano la shaqaynaysey.

Gabadhan ayaa maydkeeda laga helay hoteel, mana cadda duruufaha ku hareeraysan geerideeda, balse booliiska ayaa xusay in ay dhici karto in la khaarajiyey.

“Qofka la tuhunsan yahay wuxuu kasoo booday dariishadda dabaqada 8-aad, kaddib markii uu dareemay in ay ogaadeen ilaaladiii hoteelku.” ayuu yiri Taliyaha Booliiska Gobolka Nairobi, Augustine Nthumbi, oo saxaafadda la hadlay.

Ms Mitchell, oo ku barbaartay Whitley Bay oo dacda woqooyi bari England, ayaa Media Action oo ay Maareeye Mashruuc ka ahayd u joogtey caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa, halkaasoo ay amaan xumi darteed uga soo tagtay.

Waxay ka soo shaqaysay Ethiopia, South Sudan, Zambia, iyo London.

Hadalsame Media