”Waa munaafaqnimo!” – Ruushka oo ka digey ciidan ay Maraykanku xadkooda soo dhoobeen!

0

(Moscow) 22 Nof 2021 – Afhayeenka Wasaarad Dibadeedka Ruushanka, Maria Zakharova, ayaa NATO ku eedaysay ”munaafaqnimo”, kaddib markii uu Maraykanku ku dhawaaqay inuu dhoollatus ciidan la sameeynayo dalka yar ee Estonia ee dhaca badda Baltic-ga.

Siyaasiga muxaafidka ah ee Xisbiga Jamhuuriga, Newt Gingrich, ayaa mar dalka Estonia ku tilmaamay mid ku yaalla ”afaafka hore ee magaalada St. Petersburg.”

“Ruushku wuxuu NATO uga digayaa inay xiisad ka abuurto xadkeenna. NATO waa aamusan tahay iyadoo howlahaa sii wadda.” ayay soo qortay Zakharova.H

Hadalkan gabadhan ayaa yimid kaddib markii ay Tallinn iyo Washington kala saxiixdeen heshiis millateri oo dhanka saanadda shidaalka ah, taasoo ay Ruushku ku tilmaameen mid caddaynaysa sida ay “NATO uga go’an tahay xiisad ka abuurka meel u muuqata Ruushka.”

Zakharova oo soo qaadanaysa war uu sheegay Xogahaya Guud ee NATO Jen. Stoltenberg ayaa is waydiisey waxa ay ku kala duwan yihiin joogitaanka ciidanka Ruushka ee Ukraine oo ay aad u buunbuuniyeen warbaahinta Galbeedka iyo kuwa NATO ee jooga Estonia.

Todobaadkii tegey, sida uu qoray New York Times, Agaasimaha Guud ee Sirdoonka Qaranka Maraykanka, Avril Haines, ayaa xitaa u safray Brussels si uu NATO xog uga siiyo wax uu ku sheegay “weerar ay Ruushku kusoo qaadi karaan Ukraine.”

Hadalsame Media