Sweden oo dumarka ka joojin karta shaqo ay haatan qabtaan & muran ka taagan (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 22 Nof 2021 – Haweenka uurka leh amba kuwa dhowaan dhalay ee caruurahooda naaska siiya ayaa laga mamnuuci karaa in ay ka shaqeeyaan shirkadaha qodaalka ku sameeya godadka dhulka hoostiisa ku yaal.

 

Waxaa sidaas ku cad hindise ka yimid heey’ada qaabilsan arrimaha bay’ada ama degaanka shaqaalaha ee Arbetsmiljöverket oo rabta in sharcigan la bilaabo sannadka 2023.

 

Arje Fredlund oo ka shaqeeysa magaalada Boliden, oo arrinkan ka hadashay ayaa tiri. ”Haddii ay sidaas noqoto waxaan u arkaa in dib loogu noqday waagii la sheegi jiray in aaney haweenku shaqooyinka qaar ka soo bixi karin,” ayay tiri.

 

 

Hadalsame Media