”Faraha ka qaada Itoobiya!” – Dadkii ugu badnaa oo ku bannaanbaxay iridda Aqalka Cad + Muuqaal & Sawirro

0

(Washington, DC) 22 Nof 2021 – Boqollaal dibadbexe oo Itoobiyaan iyo Eritrean ah ayaa iskugu soo baxay albaabka Aqalka Cad ee Washington, DC, iyagoo ku qaylinaya ”Maraykanow faraha kala bax Itoobiya iyo dib nooga bax.”

Dadkan ayaa sidoo kale taageerayey aragtida DF Itoobiya ee diidaysa sida uu Maraykanku u wajahayo dagaalka siyaasadeed ee haatan ka holcaya dalkaasi oo ay ku eedeeyeen inay si cad cad ugu hiillinayaan fallaagada TPLF.

Dadkan ayaa sitey boorar ay ku dhignaayeen halkudhegyo kala geddisan iyagoo sidoo kale dhaliilay cunaqabataynta ay DF saartay dalka deriska ah ee Eritrea, taasoo ay ku sheegeen mid loogu gogol xaarayo TPLF.

“Ethiopian-ku iyagaa maamuli karo arrimohooda gudaha, Maraykanka ka yeeli mayno inuu naga dhigo Afghanistan ama Suuriya kale. Reer Galbeedku waa inay joojiyaan faragelinta.” ayuu yiri Abel Gashe, oo dibedbaxan wax ka agaasimey kuna nool Woqooyiga Virginia.

Dad badan oo Itoobiyaan iyo Eriteran ah ayaa iyana iskugu soo baxay bannaanka Safaaradda Maraykanka ee magaalada London ee caasimadda UK.

RW Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa isna soo dhoweeyey dibedbaxan oo isagana si gaar ah loogu taageerayey.

Hadalsame Media