”Way na dhaafi doonaan!” – Maraykanka oo qirtay meel ay uga horreeyaan Ruushka & Shiinuhu

0

(Washington, DC) 21 Nof 2021 – Maraykanka ayaa qirtay inuu Ruushka iyo Shiinaha uga dambeeyo tiknolojiyadda gantaalaha guuxooda ka dheereeya, sida uu sheegay Jeneraal sare oo ka tirsan Ciidanka Hawada Sare ee Maraykanka, kaasoo howlo ogolaansho iyo dhanka kharashka ku micneeyey dib u dhaca.

“Uma horreeyno sida Shiinaha ama Ruushka marka ay timaaddo barnaamijyada gantaalaha guuxooda ka dheereeya. Waase in aanu dhaqse usoo qabanno.” ayuu yiri Jeneraal David Thompson oo ka hadlayey Halifax International Security Forum shalaytoole.

Thompson ayaa soo jeediyey in Washington ay u baahan tahay “in ay istaagto boos ay ku samayso khaladaad yar kuna qaadato dhowr khatarood si ay u dedejiso geeddisocodka samaynta gantaalahan,”

MAXAA KU GAAR AH GANTAALAHAN? Gantaalaha guuxooda ka dheereeya ayaa loo arkaa kuwa haatan ugu horreeya dunida maadaama ay adag tahay in la arko iyo in la qabto labadaba, waxaana taa u sabab ah xawaarohooda aadka u sarreeya iyo awoodda ay u leeyihiin inay bedelaan jihadii loo malaynayey inay u socdaan.

Maraykanka ayaa qorshaynaya inuu tijaabiyo gantaalaha noocan ah oo weliba ridadoodu dheer tahay ee dhulka laga gano dabayaaqada 2023-ka, halka ciidanka baddu ay doonayaan inay maraakiibta ku qaataan 2025-ka. Gujisyada quusa ayaa iyagu u dhacaya 2025 ilaa 2028. Ciidanka Cirka ee USAF ayaa sugaya sanadka xiga.

Dhanka kale, Ruushka ayaa gantaalka Zircon durba ku guulaystey inuu xitaa gujisyada ku tijaabiyo bishii tagtay, halka Financial Times uu weriyey in Beijing ay tijaabisey gantaalka noocan ah oo weliba nukliyeerka xambaari kara bishii Agoosto, waloow ay inkireen Shiinuhu.

Thompson ayaa ka digey in Shiinuhu ay si dhaqse badan ugu talax-tegayaan tiknolojiyadda hawada sare sida dhan GPS, isgaarsiinta iyo dayax-gacmeedyada.

“Waxay u dhow yihiin inay nala mid noqdaan. Haddii ay tillaabadan ku socdaanna way na dhaafayaan dhowrka jiil ee soo aaddan.” ayuu saadiyey Jen. Thompson.

Hadalsame Media

Facebook Comments