Tuhun ku hareeraysan cidda dishey & qaabka loo khaarajiyey weriye Cabdicasiis Afrika! (Faro meelo ku fiiqan)

0

(Muqdisho) 21 Nof 2021 – Waxaa isa soo taraya tuhun ku saabsan nooca uu ahaa iyo qaabka uu u dhacay qaraxa la sheegay in lagu diley Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed (Afrika) oo maanta Muqdisho lagu aasay, kaasoo markii hore la sheegay in gaariga qarax loogu xirey isaga iyo Agaasime Sharma’arke.

”Cabdicasiis oo berri (maanta) ayuu kusii jeeday dalka India ayaa caawa casho u aadey makgaayad uusan horay u tegi jirin oo ku taalla goob uu amnigoodu sugnaa, ayna joogaan ciidanka Dowladda, waxaana wehliyay agaasime Sharma’arke oo isna dhaawac soo gaaray, ayuu warkiisa ku bilaabay Bashiir Gaanni oo ah weriye si wanaagsan u yaqaanney Afrika.

”Gaariga uu watey oo aan kiisa aheyn islamarkaana uu qaatay maanta oo kali ah ayaa naftii haliguhu kusoo orday iskuna duubay. Waxa uu in badan qabay shaki ah in loosoo dhex maro saraakiisha NISA oo ay qaar badan horay isugu dayeen shirqoolkiisa, laakin uu aad uga feejignaa. Caawa markii uu maqaayadda kasoo baxay waxaa mar qura isku duubay nin naftii halige ah oo goobta loogu diyaariyay.” ayuu daba dhigay Bashiir oo sheegay inuu sidoo kale hayo xogo dheeraad ah oo uu la wadaagi doono hay’aadka ay khuseeyso.

Dhanka kale, siyaasiga Axmed Macallin Fiqi ayaa isna farta ku fiiqay isla tuhunka dul hoganaya dilka Afrika.

”Weerarka iyo dilka lagu beegsaday labada agaasime ee R. Muqdisho iyo SNTV waxaa ku gadaaman shaki weyn inuu ahaa shirqool abaabulan oo abaabulan, laguna fuliyey gacanta argagixisada, uma baahna oo kaliya tacsiyeyne waa in baaritaan madax bannaan la helaa, weliba inta uu raadku qoyan yahay!” ayuu soo jeediyey.

Hay’adaha DF weli arrintan wax tillaabo ah kama qaadin, mana ka hadlin tuhunkan jira.

Si kastaba, waxaa mar kasta dhaca dilal qorshaysan, balse ilaa haatan ma jiro mid inta baaritaan xirfad iyo daacadnimo ka muuqato lagu sameeyey laga gun gaarey, xitaa midkii ku dhowaad 2,000 ee qofi ku dhinteen waxba lagama soo qaadin.

Hadalsame Media