Qayladhaan durba kasoo yeertey ciidamada fallaagada Tigreega & weerarro soconaya

0

(Addis Ababa) 21 Nof 2021 – Fallaagada Tigreega ayaa sheegay in Ciidanka DF Itoobiya ay kusoo weerareen dayuuradaha is wada ee daroonka (UAV), sida uu sheegay afhayeenka TPLF, Getachew Reda.

Wuxuu ku dooday in daroonnada lagu weeraray xaafado uu rayidku deggan yahay oo ku yaalla Maqalla xalay shaqdii dhexe 1-dii AM, isagoo arrintaa si gaar ah ugu eedeeyey RW Ethiopia ee Abiy Ahmed.

Weli wax war ihi kama soo bixin dhanka DF, balse waxaa jirta in weerarro kala nooc ah lagu qaaday gobolka woqooyi ee Tigraay todobaadyadii yaraa ee ugu dambeeyey, xilli la hadal hayey in fallaagadu ay qabsan rabto caasimadda Addis Ababa.

Dhanka kale, Ergayga Maraykanku halkaa u diray ee Jeffrey Faltman ayaa caasimadda ku sugnaa shalaytoole oo Sabti ahayd si uu wada hadal uga dhex bilaabo labada dhinac.

Kooxda TPLF ayaa Ethiopia ka talinaysey 25 sanadood, balse waxay diideen xukunka Abiy Ahmed oo xilka qabtay 2018-kii, iyagoo isku urursaday gobolka Tigraay, iyagoo diidey inay raacaan awaamiirta DF oo doorasho qabtay waxaana dagaal lagu qaaday bishii Nofeembar 2020.

Hadalsame Media