Muxuu Maraykanku ku qabtaa ”ukumahan” cad cad oo haatan la badinayo? (Dalka ay ku yaallaan & waxa ay qabtaan?)

0

(Menwith Hill) 21 Nof 2021 – RAF Menwith Hill, waa saldhigga basaas ee ugu ballaaran Maraykanka ee ku yaalla meel ka baxsan dalkiisa, wuxuuna ku yaalla dalka Ingiriiska, iyadoo ay Ingiriisku sheegaan inay xaruntan leeyihiin Ciidanka Cirka UK ee RAF, balse xaalku sidaa ma aha.

Dokumentiyo ay dhowaan Wasaaradda Gaashaandhigga UK ay u gudbisey Maamulka maxalliga ah ayaa muujinaya ay dhismahan mar kale la ballaarinayo weliba si aad u wayn.

Waxaa saldhiggan oo markii hore ku fadhiyey 100 hektar 1954-kii ayaa 1970meeyadii laba laab ka waynaa intaas, iyadoo sidoo kale la kordhiyey howlwadeennada meesha ka shaqeeya oo u badan Sirdoonka NSA ee Maraykanka iyo dad rayid ah oo isgaarsiinta ku xeel dheer ee GCHQ.

Sida ku cad tirakoob rasmi ah oo lagu daabacay Whitehall, bishii Nofeembar 2017-kii, waxaa Menwith Hill ka shaqaynayey 1,205 oo howlwadeen, waxaana howlaha ay qabtaan ka mid ah in la basaaso caalamka iyo xitaa gudaha Maraykanka oo ay markan qiil u haystaan maadaama aanu Dastuurku ogolayn in howshaa lagu sameeyo gudaha, balse markan waxay joogaan gayi shisheeye.

Xaruntan ayaa diiradda hoos timid Febraayo 2020, markii uu Xildhibaanka Labour-ka ah ee Alex Sobel uu Wasaaradda Gaashaandhigga UK waydiiyey su’aalo ku saabsan door ay rugtani ka ciyaartay khaarajintii sharci darrada ahayd ee Abaalduulkii Ciidamada Jamhuuriga ee Qassem Soleimani oo lagu diley daroon Maraykan ah.

The Intercept ayaa sheegtay in hay’adda US National Security Agency (NSA) ay xaruntan u adeegsatey nidaaminta iyo basaasidda dhowr howlgal oo qabasho ama khaarajin oo ka dhacay Bariga Dhexe, iyadoo leh tiknolojiyad wax lagu dhegeysto iyo awood lagu jebin karo in ka badan 300 oo milyan oo e-mail maalintii, iyadoo ay rayid badani ku dhintaan halkii howlgal, qiyaastii 28 rayid ah halkii qof ee la khaarajiyaba.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media