CAAFIMAADKA: Imisa CUDUR ayay dawo u yihiin huruudda & caanaha la isku daray?!

0

(Hadalsame) 21 Nof 2021 – Huruuddu waa geedka ay qurux ahaan dumarka Soomaalidu wejiga u mariyaan. Geedkan oo aad looga isticmaalo qaaradda Aasiya, gaar ahaan dalka Hindiya oo uu ka baxo.

Waxaa lagu tiriyaa xawaashyada cuntada lagu daro, wuxuuna daawo ka yahay xanuuno badan. Huruuda waxaa lagu tiriyaa dhirta ugu caansan dhinaca daaweynta iyo ka hortagga cudurro dunida dhibaato badan ku hayo,

Huruuda iyo caanaha oo la isku-daro waxaa loo yaqaannaa “golden milk” waana cabbitaan dhaqameed ay Hindidu leeyihiin balse waayahaan dambe ay reer galbeedku bilaabeen cabbitaankan kadib markii ay ogaadeen faa’iidooyinkiisa caafimaad.

Faaidooyinka tirada badan ee caanaha iyo huruuda la isku daro waxaa ka mid ah:

Sun-saarista:

Caanuhu waxay yarayaan in suntu ay u gudubto beerka, waxayn dhakhaatiirtu xaqiijiyeen in caanuhu ay sidoodaba jirka ka saaraan suntan, daawo fiicanna ka yihiin sumowga ku dhaca midhicirada iyo caabuqa. Sidoo kale waxa ay caanuhu daaweeyaan shubanka mararka qaarkood ay isku arkaan dadku marka ay cunaan daawada Antibiotic ah.

Lur Bi’inta:

Maadada “curcumin” ee ku jirta huruuda waa lur bi’iye ama hur bi’iye aad u awood badan, xanuunada ugu caansan ee lurka ama hurka u saaxiibka ah waxaa ugu horeeya xanuunada lafaha ku dhaca sida roomaatiisamka, riixa, dhabar xanuunka iyo xanuunada raaga ee murqaha iyo neerfaha ku dhaco.

Caafimaadka lafaha:

Caanaha xoolaha iyo qaar ka mid ah kuwa dhirta waxaa ku jira vitamin D iyo iyo calcium oo muhiim u ah caafimaadka lafaha iyo ilkaha.

Caafimaadka wadnaha:

Caanaha iyo huruuda la isku daro waxaa laga helaa macdanta potassium oo hoos u dhigta khatarta cudurka dhiig furanka maskaxda iyo wadne xanuunka

Difaaca Jirka:

Huruuda waxay ka mid tahay dhirta ugu fiican ee laga helo lidka bakteeriyada iyo jeermisga. Waxayna la awood tahay marar badanna ka awood badan tahay dawooyinka jeermisdilaha ah (Antibaayootik). Caanuhu waxay hodan ku yihiin, bakteeriyada fiican ee xoojisa hab-dhiska difaaca ee jirka qofka, bakteeriyadaas ayaa ay khubarada caafimaadku sheegeen in ay tahay mid waxtar badan leh oo kordhisa unugyada dhiigga cad ee cudurrada jirka kala dagaallama

Cudurka kansarka:

Maadada curcumin ee huruuda wuxuu Alle ku abuuray awood dilis unugyada kansarka. Daraasad la sameeyay waxaa lagu arkay in huruuda wax ka tarto kansarka ku dhaca mindhicirrada.

Niyad dejinta:

Huruudda waxay wanaajisaa dareenka qofka, waxaa loo adeegsadaa in lagu daaweeyo niyad jabka.

Caafimaadka maskaxda:

Huruudda ayaa ka mid ah cuntooyinka la ogyahay in ay aad ugu fiican yihiin caafimaadka maskaxda. Huruuddu waxa ay dardargelisaa shaqada qayb gaar ah oo ka mid ah dheecaannada hidde-sideyaasha ee ka masuulka ah iska caabbinta kaarka iyo xanuunka. Waxa ay ka mid tahay xawaashyada u fiican caafimaadka maskaxda isla markaana xusuusta badiya. Maadada curcumin ee ku jirta huruuda waxay hoos u dhigtaa halista xanuunka xusuusta yareeya ee Alzheimiers iyo maskax falluuqa (dementia).

Huruuda iyadoo qalalan iyo iyadoo qoyan intaba waa la isticmaalaa, faa’idadana waxay ku badan tahay midda fresh-ka ah oo qoyan ama isla markaas la shiiday, cunis iyo cabitaan intaba waa loo isticmaalaa. Iyadoo qoyaan ayaad caano ku shiidan kartaa ama malqacad huruud budo ah ayaad koob caano ah ku darsan kartaa, waxaad kaloo ku sii darsan kartaa malab si aad u macaanayso.

Isha: Daryeel Magazine

Hadalsame Media