Dalkee u dhashay laacibka caanka noqday kaddib markii uu SOMALIA ka dhaliyey goolkiisii ugu horreeyey ee caalami ah?!! (Hadal-hayn cusub)

0

(Hadalsame) 20 Nof 2021 – Laacibka caanka ah ee reer Ghana ee Asamoah Gyan ayaa noqday laacib caalami ah isagoo u saftay kooxo ka dhisan Talyaaniga, Faransiiska, Ingiriiska iyo horyaallo kale.

Yeelkeede, laacibkan caalamiga ah ayaa taariikh ku leh Somalia waayo wuxuu maanta oo kale 18 sanadood kahor 2003-dii ka dhaliyey goolkiisii 1-aad ee caalami ah.

Gyan oo u saftay Udinese, Rennes, Sunderland iyo kooxo kale ayaa dalkiisa Ghana ka caawiyey inay usoo baxaan koobkoodii adduun ee abid ugu horreeyey 2006-dii, iyagoo deeto si xiriir ah ugu soo baxay KA ee 2010 iyo 2014, kuna sigtay inay noqdaan dalkii ugu horreeyey ee Afrikaan ah ee nus-dhamaadka gaara 2010-kii.

Dalka Ghana ayaa maanta arrintaa laga hadal hayaa maadaama ay tahay sanad-guuro u muhim ah dalkaasi, waxaana dadka xusay ka mid ah Yaw Ampofo Jr oo ah weriye ciyaareed oo caan ka ah dalkaasi.

Hadalsame Media