Weriyeyaal shil ku galay agagaarka Eyl (Sawir ay dadku su’aal geliyeen & magacyada weriyeyaasha)

0

(Eyl) 11 Nof 2021 – Weriyeyaal ka kala tirsan warbaahinnada maxalliga ah ee Puntland ayaa ka badbaadey shil gaari.

Wariyeyaashan oo ku sii jeeday degmada Eyl, si ay barnaamijyo uga soo tabiyaan ayaa gaarigii ay ku safrayeen kula rogmaday inta u dhexays Fara-Xamur iyo Baarweyn.

“Nasiib wanaag shilkan dhammaantood Eebbe waa ka bad baadiyay oo qofna wax kuma noqon,” sida uu Hadalsame u sheegay Siciid Nadaara oo ah weriye ku sugan Gaalkacyo.

Sidoo kale, weriyeyaasha shilka galay ayaa sawirrada shilka soo geliyey baraha bulshada iyagoo ku faraxsan shilka ay ka badbaadeen.

Magacyada weriyeyaasha & hay’adohooda:

Maxamed Dhalo Radio Daljir
Maxamed Salaax SBC
Ciise Talyaani SBC
Sharma`arke Dal-daare Puntland TV

Waxaa kale oo gaariga saarraa gabar la sheegay inay weriye ahayd oo aynaan magaceeda helin iyo darawalkii gaariga.

Dhallinyarada ayaa baraha bulshada ka bilaabay xifaalo ku saabsan sawir ka mid ah sawirrada lasoo bandhigay gaar ahaan midka ay gabadhu ku jirto.

Hadalsame Media