Kulan deg deg ah oo uu RW Rooble la yeeshay madaxda Maamul-goboleedyada + Waxa diiradda la saaray

0

(Muqdisho) 11 Nof 2021 – Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa shir guddoomiyay shir ay aaladda fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka. Kulanka oo diiradda lagu saaray dardargalinta doorashada Golaha Shacabka, sida uu faafiyey Xafiiska RW.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo kala Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen), Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam , Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Gabagabadii kulanka ayaa la isku afgartay in si deg deg ah dhammaan Dowlad Goboleedyada looga bilaabo doorashooyinka Golaha Shacabka, laguna soo gabagabeeyo si looga fogaado dib u dhac ku yimaada doorashooyinka.

Waxaa muuqata inaan wax isbadel ah lagusamaynayn tirada ergada 101 iyo degaan doorashooyinka.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments