DF Itoobiya oo 3 shuruudood oo waawayn ku xirtey wadahadal ay la gasho TPLF

0

(Addis Ababa) 11 Nof 2021 – DF Itoobiya ayaa shuruudo ilaa 3 gaaraya ku xirtey wadahadal ay la furto Fallaagada Tigreega ee TPLF.

Afhayeenka Wasaarada Arimaha Dibedda DF Itoobiya, Dina Mufti, ayaa soo bandhigay shuruudaha ay ku xireen wada xaajood ay yeeshaan TPLF.

Waxayna shuruuduhu u qorraayeen sidatan:

1. Waa in kooxda TPLF ay ka baxdo dhulka Axmaarada iyo Canfarta

2. In TPLF ay aqoonsato oo ay ogolaato dowladda federaalka.

3. In kooxda TPLF ay joojiso weerarrada ka dhanka ah DF Itoobiya iyo Maamul-gobollada kale ee Federaalka ka tirsan.

Isha: BBC Ahmaric

Hadalsame Media