(Jigjiga) 09 Nof 2021 – Madaxweynaha Gobolka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar oo waraysi gaar ah siiyay idaacada VOA laanta Soomaaliga ayaa ka hadlay dagaalka waqooyiga Itoobiya ee haatan ku faafaya badhtamaha dalka.
Madaxweynaha ayaa dhinaca kale waraysiga kaga hadlay amniga gobolka Soomaaliya iyo abaaraha jira, isagoo ka hadlay waxa uga qorshaysan haddii uu xaalku is bedelo.
”Qorshayaasha noo yaalla waxaa ka mid ah; In aynaan masiirkeenna cid kale gacanta u gelin, sida TPLF and qof TPLF dhabarka ku sita.” ayuu yiri Mustafe oo muujiyey in aanu weli doonayn inuu qorshaha sheego.
Mustafe ayaan wax aan saluug mudnayn ku sheegay in Gobolka Soomaalida Federaalka laga siiyo 1 wasiir oo qura, halka Gobollada Oromada & Amxaarada aad loogu roonaaday.
Weriyahayaga Maxamed Cabdiraxmaan Gaataa ayaa waraysigan kula yeeshay magaalada Jigjiga, ugu horrayna waxa uu wax ka weydiiyey degaannada uu dagaalku ku fiday.
Hadalsame Media