”Waa sheegato!” – Israel oo ku wareersan dad Itoobiyaan oo Yuhuud sheeganaya oo dhowaan laga qaaday Gobolka Tigraay

0

(Tel Aviv) 08 Nof 2021 – Daraasiin Itoobiyaan ah oo ay Israel kasoo daadguraysay Gobolka Tigraay iyadoo lagu soo qaaday howlgal qarsoodi ah ayaa la sheegayaa inaysan wax xiriir dhiig ah la lahayn Israel, sida ay dhigayso warbaahinta Israel.

Sida lagu qoray Haaretz, Waaxda Socdaalka Israel ayaa “shaki wayn ka muujisay” inay dadkan oo 61 qofood ihi ay runtii Yuhuud yihiin, waloow ay sidaa sheeganayeen markii laga soo qaadayey Gobolka Tigraay.

Tan iyo markii uu sanad kahor dagaalkani bilowday waxaa jirey baaqyo ku saabsanaa in lasoo qaado Yuhuudda Itoobiya joogta ee Falaashada loo yaqaan, iyadoo uu qorshe dadkaa lagu soo daadguraynayo uu agaasimey RW hore ee Benjamin Netanyahu, waxaana hirgeliyey ninka xigey ee Naftali Bennett, sida lagu qoray Haaretz.

Waxaana Israel lagu keenay ilaa 2,000 oo Yuhuudda Itoobiya ah muddo sanad ah, kaasoo ay waddo Israel, balse 61 qof kuwaa ka mid ah ayaa lagu dheggan yahay.

RW Israel ee Naftali Bennett ayaa riixaya qorshe ku saabsan in lasoo qaado ilaa 500,000 Yuhuud ah oo ka kala imanaya caalamka gaar ahaan Maraykanka, South America iyo France muddo 19 sanadood ah, iyadoo tirakoob la sameeyey uu muujinayo in tirada Yuhuudda cusub ee Israel timid ay kordheen 31% sanadkan 2021 oo qura.

Waxaa xogta ka mid ah 1,589 oo laga soo qaaday Itoobiya, taasoo ah hindise lagu doonayo in lagu kordhiyo tirada dadyowga Afrikaanka ah ee asal Yuhuudda ah, balse dadka madowga ah ayaa cunsuriyad ka sheeganaya.

”Marka lala macaamilayo Yuhuudda madowga ah waxay u muuqanaysaa sidii in axsaan gaar ah naloo samaynayo.” ayuu yiri Ori Frednik, madaxa Yuhuudda Ethiopian-ka ah.

Hadalsame Media