Faa’iidada SHAAHA qarfaha lagu daro & faa’iidooyinka caafimaad ee ku jira

0

(Hadalsame) 08 Nof 2021 – Qorfuhu waxa uu ka mid yahay xawaashyada ugu caansan dunida oo dhan, urtiisa oo aad u udgoon laguna tilmaamo in ay nafta xasiliso ayaa ka mid ah sababaha lagu jeclaaday geedkan. Laakiin urta iyo dhadhanka fiican ee uu sameeyo oo keliya ma’aha sirta ku jirtaa, balse waa daawo hodan ku ah maaddooyin badan oo caafimaadka aad u caawiya.

Shaaha qorfaha lagu daro waxuu leeyahay faa’iidooyin caafimaad oo tiro badan waxaa ka mid ah:

Cune xanuunka:

Qorfuhu waxa uu ka mid yahay dawo dhaqameedka ummado kala duwan oo adduunka ahi muddo qarniyaal ah soo isticmaalayeen. Waxa uu caawiyaa yaraynta kaarka iyo xanuunka ka dhasha cune xanuunka. Waxa aanu si aad ah jirka uga caawiyaa iska caabbinta hargabka. Shaaha qorfaha leh waxaa lagu qaboojiyaa qufaca, riiraxyada iyo cune xanuunka.

Dejinta sonkorta dhiiga:

Qorfuhu waxa uu ka mid yahay cuntooyinka ugu waxtarka badan dhinaca dhimista sonkorta dhiigga. Qorfaha oo si joogto ah loo isticmaalaa waxa ay yaraysaa sonkorta dhiigga. Qorfaha waxaa ku jirto maaddo la yiraahdo “Cinnamaldehyde” oo sonkorta dejiso. Qaabka qorfaha loo isticmaalayaa waa in lagu darsado shaaha.

Cafimaadka wadnaha:

Qorfaha waxaa ku jiro labo maaddo oo la yiraahdo “cinnamaldehyde” iyo “cinnamophilin”, oo hoos u dhigga cadaadiska dhiigga. Dadka joogteeyo isticmaalka qorfaha waxaa la arkay inuu kolestaroolkooda uusan kicin, warbixin lagu soo daabacay bogga shabakadda Mayo clinic waxay sheegtay in in qorfaha uu kala furfuro dufanka xididada fadhiisto.

Sun-saarista:

Qorfaha waxaa ku jiro maadooyinka sun saarista ee loo yaqaan antioxidants” kuwaas oo ka hortaga cudurka “sonkorowga, kansarka iyo wadne xanuunka.

Caafimaadka maskaxda:

Daraasado caafimaad ayaa daahfurtay in wax yaabaha uu ka kooban yahay geedka qorfuhu ay ka mid yihiin kuwo caafimaadka maskaxda u fiican. Xeeldheerayaasha nafaqaynta iyo faa’idooyinka cuntada ee arrintan u kuur galay ayaa shegaya in qorfuhu uu ka hortag fiican u yahay xanuunno badan oo maskaxda ku dhaca sida xanuunka xusuusta lumiya ee Alzheimers, kuwaas oo inta badan soo daahira marka uu qofku weynaado. Qorfuhu wuxuu wanaajiya xusuusta iyo foojignaanta. shaaha ku darso qorfe markaa wax akhrinaysid ama xifdinaysid wuu ku caawin doonaa alle idinkii.

Caado wareerka dumarka:

Qorfaha wuxuu kontroolaa caado wareerka waxaana ku jirto maaddo ka qeyb qaadato arrintaas. Qaado nuskeed oo qorfe shiidan ku darso koob shaah ah oo cab maalin kasta hal waqti ama koob caano ah ku badalo booska shaaha). Shaaha qorfaha lagu darsado wuxuu yareeyaa xanuunka caadada la socda.

Sidoo kale qorfuhu wuxuu daawo u yahay xaaladda dhiigbaxa caadada, Qorfaha shaah ahaan ayaad u karsan kartaa badalka caleenta shaaha, waxaana cabbaysaa 4 jeer maalintii.

Isha: Daryeel Magazine

Hadalsame Media