Aqoonta Soomaalida oo hal cillad & 3 ceebood oo waawayn yeelatay!!

0

(Hadalsame) 08 Nof 2021 – Soomaalida iyo aqoonta – Dadka Soomaalida tacliinta casriga ahi waa ay ku cusub tahay, sida aynnu wada og nahay. Waa run.

Inta yar ee waxbarataa wax ay baran jireen, welina bartaan, aqoon/xirfad asaasi ah oo ay irsaaqadda ku xoogsadaan. Waa run. Sidaa darteed waxaa aad u yaraa barashada culuunta riddada dheer (sayniska cilmi ahaantiisa iyo fikirka heerarkiisa baadhista gaadhsiisan).

Inta aan og ahay dhawr qof baa xitaa weligood ku sii takhasusay aqoontii caafimaadka ee ay inoo soo barteen, aqoon kalena hadalkeedba daa. Kol haddii tacliintu innagu cusub tahay, keenna waxbarta markiiba waxaa ashqaraariya aqoonta bilowgeeda, waayo wax uu ka yimid bey’ad iyo qoys aan intaasi oollin oo aan lahayn gundhig tacliineed.

Dabadeed isaga oo aqoonyahan isu yaqaan, waxa uu yaqaannaana yar tahay, laakiin is mahadiyay, ayuu bulshadiisa ku soo dhex dhacaa. Aqoonyahanka noocaas ah ee weligii dadkiisa aan tacliinta lahayni qiimayn jireen guud ahaan waa saddex nooc:

1) Nafley wax uun barta, weliba afafka qalaad ku barta, dantiisa nololeed u halgama oo shaqaysta, dadkiisuna sabab la’aan ku weyneeyaan, shaqadiisa ama lacagta uu xoogsado oo ay u baahan yihiin, ama ay ka tahay reernimada ah: ninkaasi waa innaga oo mutacallin ah. Qofkani badanaa Gaalada ama Carabta ama xitaa maamullada Soomaalida ayuu ka xoogsadaa (basaasiinta ayaa ka soo baxda).

2) Waxaa jira, weligiina jiray, miskiin isu yaqaan aqoonyahan oo kaa hore dhaama, waana mid kolkii uu sidaa kaa hore waxoogaa tacliin ah oo af qalaad muhiim yahay bartay, inta uu meel fadhiistay yidhi “Soomaalidu waa jaahiliin, aniguna aqoonyahan baan ahay oo is ku dhex ceebayn maayo”. Isaga oo aan jirin buu dhintaa.

3) Tabta labadaa qolo ayuu wax uun bartay, laakiin waa munaafaq. Waa munaafaq oo intii yarayd ee uu bartay qabiili ku ah, waxsoosaar aqooneed oo kalena ka ma keeno aqoonta uu sheegto aan ahayn in uu reeraha Soomaalida iyo hiddaha ka la ximiyo.

Dadkiisa wax uu ku yidhaahdaa “qabyaaladdu waa wax xun ee is ka daaya, aniga ayaa se qabyaalad fiican idiin sheegaya”. Noocani waa iskuulka nidaamkii kali-taliska ahaa oo ay Soomaalidu aad u gu shaqaysato, aniga ayaana beryahan ogaan u adeegsada.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media