“Maalinta uu Tigree Addis Ababa soo galo Soomaaliduna waa geleysaa!” – MW Mustafe Cagjar

0

(Hadalsame) 07 Nof 2021 – Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida waddanka Itoobiya ayaa ka digay in ciidammada deegaankiisu ay diyaar yihiin in fallaagada Tigray-ga ay ka difaacaan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Mustafe Muxumed Cagjar oo xalay magaalada Jigjiga kula hadlayay qaar ka mid waxgaradka deegaankaasi ayaa sheegay in aanay aqbali doonin cidkasta oo Addis Ababa timaada oo maamul u sooo dhista deegaanka ama keenta ciidan aan kan federaalka ahayn.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in xaaladda taagan aanay u baahnayn mucaarad iyo muxaafad ee ay tahay oo kaliya in cadowga laga wada hortago, sla mar ahaantaana ka maamul ahaan aysa dan u ahay soo laabashada Tigray.

‘annagu waxaannu aaminsannayay Tigree soo laabta in aanu waddo noo ahayn’

Mar uu ka hadlayay fallaagada Tigray iyo waxa maamulkiisa uga qorshaysan waxa uu sheegay in aanay marna aqbali doonaan in Tigreegu ay qabsadaan magaalada Addis, haddii ay dhacdana in ay iyaguna ay geli doonaan oo halkii dagaal ku dhex mari doono.

‘Ciidan qoomiyadeed oo Addis Ababa soo gala, inaan la dagaalanno ayaa noo qorshaysan, waxaannuna aamminsannahay ciidan qaran oo aan ka Tigreega ka yarayn oo wax qabsan kara in aannu haysano” ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe.

Aroorta Tigree baa Addis Ababa ku socda la yidhaa waxaad ogaataaan Soomaali addisababa ku socdana in aad maqlaysaan oo la gelayo, intay dawlad nagu noqdaan oo xerooyinka qabsadaan oo taangiyo soo qaataan diyaarado soo samaystaan oo iyaga oo dawlada nagu soo noqdana oo jigjiga ku dagaallanno marna in aanay dhacay, markaa haba yaraatee wax laga cabsadaa ma jiraan.” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Dhanka kale Mustafe Cumar ayaa ku eedeeyey Tigray in qorshahoodu yahay in maamulka dadka deegaanku lahayn, ay rabaan in ay u dhisaan isaga oo tusaalo u soo qaatay isbahaysigii washinton ka dhacay.

Isbahaysigaas oo agaal urur ay Washington kaga dhawaaqeen ayaa qorshuhu yahay olole xukunka xoog lagaga tuurayo ra’iisal wasaare Abiy Axmed. Waxaa isbahaysigaasi ka mid ah urur aan horay loo aqoon oo magaciisa lagu sheegay Somali State Resistance, uuna hogaamiyo Maxamuud Ugaas Muxumed.

Kaas oo ah kan uu durba Madaxweynuhu shakiga ka muujiyey.

BBC-da ayaa waxaa u suurogashay inay wareysato Maxamuud Ugaas oo hadda ku sugan Washington, waxa uu sheegay in ujeedka loo asaasay ololihiisa uu yahay in “qofkasta uu helo xuquuqdiisa madaxbanaanida oo sidaa lagu wada joogo ama lagu kala tago.”

Waxa uu yiri dhammaan ururada isbahaysigan waxay ka mideysan yihiin hadafka ah in lagu wada noolaado Itoobiya loo dhanyahay ama in lakala tago.

Dowladda ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto jabhadda TPLF.

Colaadda Itoobiya ayaa gashay sannadkii labaad, iyadoo malaayiin qof ay ku barakaceen halka in ka badan 400,000 ay qarka u saaran yihiin macluul.

Isha: BBC

Hadalsame Media