“Ma fahmayo micnaha waxa ay qoreen!” – Ergaygii ay cayrisey DF oo arrintaa ku gacan sayray!

0

(Muqdisho) 07 Nof 2021 – Xigeenka Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, Simon Mulongo, ayaa sheegay inuusan fahmin sababta looga soo saaray Somalia, isagoo tilmaamay inuu ka war-sugi doono inta uu Ururku ka soo saari doono xogo dheeraad ah oo ku aaddan doorka uu ku leeyahay Somalia.

Toddobaadkii hore, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay awaamiir ku aaddan in Mulongo uu dalka uga baxo duruufo aan la caddayn, Muqdishana weli ma aysan caddaynin sababta loo eryey sarkaalkan sare ee Midowga Afrika, waloow aysan khasab ahayn in la sharraxo go’aamada Persona non Grata.

Daily Monitor ayaa sheegtay in Mulongo uu ku andacooday in uusan garaneyn sababta ay dowladda Soomaaliya ugu amartay in uu dalka ka baxo. Wuxuu bedelay Danjire asal ahaan ka soo jeeday Mozambique Francisco Madeira.

“Luqadda la isticmaalay (ee warqadda cayrinta) waxay ka kooban tahay jumlado dhan oo aanan garaneynin macnaha ka dambeeya. Ma hayo sababta [go’aanka] ka dambaysa.” ayuu yiri Mulongo.

Dibllmaasigan u dhashay Uganda oo soo noqday ku xigeenka AMISOM ayaa sheegay in uusan waxba kala socon amarka dowladda Soomaaliya.

“Wax fikrad ah kama haysto waxa ay tani ku saabsan tahay. Waxaan rabaa inaan la macaamilo xaqiiqo ee ku tiri kuteen kuma jiro.” ayuu raacshey.

Mulongo ayaa sida muuqata is adkaynaya isagoo ku doodaya in aanu weli warqad rasmi ah ka helin DF Somalia oo farriin ay Addis Ababa u dirtay 7 maalmood ugu qabatay.

Hadalsame Media