Fallaagada Tigreega oo caddeeyey waxa ay ka damacsan yihiin magaalada Addis Ababa

0

(Hadalsame) 05 Nof 2021 – Xooggaga Tigray ee la dagaallamaya dowladda Itoobiya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin gelitaanka caasimadda Addis Ababa, walow aysan dooneyn inay xukunka la wareegaan.

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda, ayaa BBC-da u sheegay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay inay ka hortagaan waxa uu ku tilmaamay xasuuqa ka dhanka ah shacabka Tigray ee uu ku eedeeyay ra’iisal wasaare Abiy Axmed.

“Dan gaar ah kama lihin in aan galno caasimadda si aan xukunka ula wareegno. Naguma jiro damac ah dhul ballaarsi. Ujeedka keliya ee aan leenahay ayaa ah in aan xaqiijino in Abiy uusan khatar ku sii ahaan shacabkeena. Haddii ujeedkaas aan ku gaari karno gelitaanka Addis Ababa, waan geli doonnaa,” ayuu yiri afhayeenka.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay qarka u saaran tahay guul buuxda oo ka dhan TPLF, balse xooggaga Tigray ayaa maalmihii dambe u muuqday kuwo ku gacan sarreeya dagaalka.

Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa sheegay in gelitaanka Addis Ababa ay meel adag gaarsiin doonto xaaladda bani’aaddannimo ee hadda ka taagan Itoobiya.

Waxaa Itoobiya booqasho ku jooga ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Jeffrey Feltman, kaasoo ku dedaalaya in wadahadal lagu dhameeyo colaadda Itoobiya.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay dagaalka sii xoogeysanaya ee Itoobiya, ayna si dhaw indhaha ugu hayso xaaladda waddankaas.

Colaadda ka billaabatay Waqooyiga Itoobiya ayaa sanad jirsatay, waxaana xooggaga Tigray oo xulafo la ah jabhadda Oromo Liberation Army ay dhowr aag kula dagaallamayaan ciidamada federaalka.

,

Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa maalin ka hor sheegay in uu jebin doono xooggaga la dagaallamaya ciidamadiisa.

Abiy ayaa tilmaamay inay wax ka khaldami karaan xeeladda dagaal, balse ugu dambeyn uu dalkiisa guulaysan doono, taasoo loo fasiray inuu dagaalka sii wadi doono.

“Tan iyo markii aan ka soo baxnay gobolka Tigray afar bilood ka hor, dagaallada aan galnay waxa ay gaarayaan boqolaal,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Waxa uu dhaliilay qaabka loo maareeyay askarta soo ajiibtay baaqiisii ahaa in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah xooggaga Tigray.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in hogaanka TPLF uu doonayo inuu xukunka Itoobiya si xoog ah kula wareego, isla markaana uu dadkiisa ka dhigo kuwa ka sarreeya qowmiyadaha kale ee Itoobiya.

Waxa uu ku eedeeyay xooggaga Tigray in dhalinyaro ka badan 100 ay ku xasuuqeen magaalada Kombolcha, eedeyntaas oo uu beeniyay Getachew Reda oo ah afhayeenka xooggaga Tigray, kana tirsan saraakiishooda sar sare.

Colaadda ka socota Waqooyiga Itoobiya ayaa billaabantay 4-tii Nofembar 2020, kadib markii uu Abiy Axmed amray ciidamada federaalka inay duullaan ku qaadaan ururka TPLF oo xoog ku qabsaday taliska waqooyi.

Muddo kooban kadibna, caasimadda Tigray ee Mekelle ayaa gacanta u gashay ciidanka Itoobiya, balse bartamihii June ee sanadkan ayaa waxaa ku soo rogaal celiyay oo qabsaday xooggaga Tigray.

Dagaalka ayaa u muuqda mid sii xoogeysanaya, waxaana beesha caalamka ay ka digtay in malaayiin qof ay gaajo la ildarin yihiin gudaha Itoobiya.

Isha: BBC

Hadalsame Media