Faa’iidooyinka faraha badan ee XULBADA & xanuunnada ay dawada u tahay

0

(Hadalsame) 05 Nof 2021 – Xulbada waa geed daweed faa’ido badan u leh banii-aadamka, waxaan ka buuxo nafaqo kala duwan, waxaa laga helaa:

  • Barootiin
  • Birta (iron)
  • Fiber
  • Magnesium
  • Manganese
  • Calcium
  • Vitamin D
  • Vitamin A
  • Vitamin B

Caafimaadka dheefshiidka:

Xulbadda waxaa loo cabaa calool xanuunka. Waxaa daweysaa calool istaagga waxeyna uroon tahay dadka gaaska qabo. Sidoo kale, waxay ka hortagtaa baabasiirka.

Xanuunka caadada:

Xulbadu waxay u wanaagsan tahay haweenka caadada ku xanuunsada way khafiifisaa xanuunka iyadoo caawisa inay si sahlan uga timaado.

Xulbada iyo Rabitaanka galmada:

Yaraanshaha hormoonka Testosterone waxay hoos u dhigtaa awoodda galmo iyo dhammaystirnaanshaha baahida loo qabo galmada.

Rabitaanka oo hoos u dhaca iyo kacsiga oo yaraada ayaa ah dhibaatooyinka imaan karo marka shaqada hormoonkan ay yaraato, haddaba si arrintan loo xalliyo waa muhiim in la daweeyo sababta keentay.

Daraasad la sameeyay ayaa agu arkay in xulbadu ay kordhiso heerka hormoonka testosterone. Daraasadaan oo socotay muddo 2 bilood ayaa ragga qeyb galay waxaa loo qeybiyay labo koox, koox waxaa la siinayay hal xabbo oo kiniini xulbad laga sameeyay ah oo 500 mg ah maalin kasta, halka kooxda kale aan waxbo la siinin. Raggii qaadanayay kaalmaatiga xulbadda ayaa la arkay inay sare u kacday rabitaankooda galmo.

Cudurka macaanka:

Xulbada waxaa lagu daweeyaa nabraha ku samaysma dadka sonkorta qabo.

Xulbaddu waxey gacan ka geysataa hagaajinta shaqada insulin-ta.

Insulin-tu waxay u ogolaataa jirka inuu sonkorta loo yaqaan glucose u isticmaalo tamar ahaan.  glucose-tu  waa nooc kamid ah sonkorta oo laga helo carbohydrates-ka.

Marka aad cuntid cunto habka dheefshiidka ee jirku wuxuu durbadiiba burburiyaa carbohydrates-ka una badalaa glucose.

Sonkorowgu wuxuu dhacaa marka jirkaagu uusan si sax ah u isticmaalayn insulin-ta ama marka jirkaagu uusan insulin kugu filan soo saarayn.

Xulbadu waxay caawisaa xakamaynta sonkorta dhiigga, waxeyna hoos u dhigtaa kolesteroolka xun.

Caafimaadka wadnaha:

Xulbadda waxay yaraysaa halista cudurrada wadnaha iyo kacsanaanta sonkorta.

Caburka iyo san-xiranka:

Xulbadda samayskeeda waxaa ka mid ah maaddooyin si weyn ula dagaalama caabuqa, sidaa awgeed waxa ay si aad ah u yaraysaa caburka, sidoo kale xulbaddu waxa ay soo nadiifisaa gudaha hore ee dulka, waxa aanay sideedaba u yaraysaa malaxda badan ee dulka ku abuurmaysa.

Habka isticmaalka: Waxa aad isku dartaa malqacad ama laba malqacadood oo xulbad shiidan ah, iyo koob biyo ah, isku kari, kadib intaa qaboojiso marka ay kala fadhiisato miir, inta uu weli diirran yahayna cab. Haddii qofku uu sidaa yeelo laba ama saddex jeer maalintii, waxaa ka tegaya  caburka waxa aanay sidoo kale u fiican tahay guud ahaanba caafimaadka.

Kordhinta caanaha naaska:

Caanaha hooyadu waa nafaqada ugu muhiimsan ee koritaanka ilmaha. Xulbada waa geedka ugu muhiimsan oo la isku waafaqay in caanaha ay badiso.

Isha: Daryeel Magazine

Hadalsame Media