Turkiga oo lagu eedeeyey in uu gantaalaha S-400 soo dhigay meel ay deggan yihiin Ciidanka Maraykanka, NATO (Jawaab uu soo saaray)

0

(Ankara) 04 Nof 2021 – Saraakiisha Ciidanka Turkiga oo la hadlay Daily Sabah ayaa beeniyey war uu shalay faafiyey Sky News Arabia kaasoo sheegatey inay hannaanka daafaca gantaalaha ee S-400 ay u rareen saldhig-cireedka Incirlik Air Base oo ku yaalla koonfurta Turkey.

Sky News Arabia ayaa sheegay in gantaalahan la keenay saldhigga Incirlik oo ay sidoo kale adeegsadaan ciidamada Maraykanka iyo kuwa NATO, mar ay qoraal soo tweet gareeyeen.

Turkey ayaa gantaalahan ka iibsadey Ruushka, balse waxay taasi xumaysay xiriirka uu la leeyahay Maraykanka iyadoo ay Washington Turkiga ka cayrisey barnaamijka F-35 Lightning II oo ay qayb ka ahaayeen.

Sidoo kale Maraykanka ayaa Turkiga u diidey hannaanka daafaca cirka ee Patriot, taasoo ahayd sababta Turkiga ku dhalisay inuu soo iibsado hannaankan Ruush-sameega ah oo midkaa u dhigma amaba ka fiican.

Hadalsame Media