Waxaa dhexmaray jacayl guur ku dhamaaday balse taa waxaa gacan ka gaystey GOOGLE!!

0

(Hadalsame) 03 Nof 2021 – Waxay ahayd bishii Febraayo 2020, markii ay Amy oo Maraykan ah balse af Ingiriisiga ka dhigta Tbilisi, Georgia, iyadoo barta arday Chinese ihi ay guddoonsatey inay gurigii oo ku xumaaday ka guurto.

Markii hore waxay doonaysey inay UK booqato, balse waxaa xayiray handaraabkii cudurka Covid-19 oo markaa dunida ku xoogaysanayey.

Kaddib markii ay guri kale heshay waxay dad asxaab ah waydiisey in laga caawiyo guuritaanka, balse gabar baa u sheegtay inay taqaan nin Iiraani ah oo Amir la yiraahdo balse aan aqoonin hal eray oo Ingiriisi ah.

Amir wuxuu Georgia u yimid inuu guri ka iibsado, isagoo gaari van ah iibsadey kaddibna samaystay adeeg ku saabsan ratitaanka dadka.

Markii uu qolka soo galay si uu alaabooyinka u xirxiro waxaa gabadhii qabsatay wax u eg Qisadii Nabi Yuusuf (CS). “Wuxuu ahaa ninkii ugu filsamaa oo aan abidkay arko. Meel aan ka eego ayaanba garan waayey,” ayay yiri Amy oo anfariirsan, Amir laftiisu waa ku qancay Amy oo uu ku sheegay qof “kulansatay filsami & furfurnaan.”

Maalintii xigtey ayuu isagu codsaday inay isla baxaan, balse waxaa uu dhib ka joogey wixii ay ku wada hadli lahaayeen. Waa marka uu muhim noqday hannaanka Google Translation.

“Waxaannu ka wada niqaashnay wax kasta oo nolosheenna khuseeya iyo sababta aannu labadeennuba u nimid Georgia,” ayuu yiri Amir.

Amy ayaa sheegtay inaysan markaa weli si buuxda u raacin Amir iyadoo ka cabsanaysa is faham la’aanta afka, balse ay aad ula dhacday maalintii xigtey oo uu ugu yimid inuu la dhig dhigo alaabta gurigii cusbaa, markaas oo ay ogaatey naxariistiisa, sida ay tiri.

Amir & Amay oo bilowday inay afka barto waloow ay sheegtay inuu madax adag yahay, ayaa bil kaddib bilaabay inay guur ka wada hadlaan, haatanna waa lamaane is qaba, iyagoo deggan guri uu Amir ku leeyahay afaafka caasimadda Georgia oo ay u guureen bishii Sebtembar.

Waxaase is bedeley sharci awal ka jirey Georgia oo ahaa in qofka Iiraan ka yimaada uu degi karo dalkaasi haddii uu iibsan karo guri ku kacaya $35,000 oo doollar, taasoo haatan laga dhigay $100,000.

Sidaa darteed, Amir iyo Amy waxay u guuri rabaan halka ay kasoo jeeddo ee Richmond, Virginia, USA.

Isha: The Guardian

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media