TANI DOORASHO MAAHA: Ujeedada liidata ee ka dambaysa doorashada iyadoo awalba DADBANAYD misna wejiga duwanaysa?!!

0

(Hadalsame) 03 Nof 2021 – Dabcan waan u wada jeednaa doorashadii dalka iney ka dhacdo aan Han weyneyn sida ay ku bilaabatay welina ku socoto, qofkasta oo u qiil dayi lahaana markuu arkay qaab darada wax lagu wado hadda wuxuu ka taagan yahay quus.

Nasiibdarro waa quus noo soo bilaabatay maalintii koowaad ee doorashada lagu qabtay Kismaayo ee aan ka wada aamusnay, waana mid nala socon doonta 4-ta sano ee soo socota,

Waayoo Xildhibaano uu mid waliba kursigiisa xoog iyo xaaraan ku soo helay, waxey noo dooran doonaan Madaxweyne ay xoogaan oo ku koriya xoolaha dadweynaha, isna waxa uu noo soo xuli doonaa Reysalwasaare isaga u soo xamaala, oo xubnihiisa Golaha Wasiiradu yihiin bilaash xeytayaal aan xeyndaabka xaafiiskiisa dhaafi karin.

Marka xaal halkaas taagan yahay, dalka iyo dadku maanta waxa uu u baahan yahay in la dabo qabto oo laga badbaadiyo helista ay ku wadaan kooxda yar ee daneystayaasha ah ee horteena xaaraanta ku qasanaya, waase badbaado loo mideysan yahay mida maanta oo kale loo baahan yahay.

Mid baanse hubaa in aaney Maryooleey danta guud u midoobi karin, marka inta laga helayo walba aan wada ahaana daawadayaal fiican oo aan cabasho qabin.

WAXAAD MAANTA BI’ISAAN BIRI HA SHALAAYINA.!!!

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Faarax Dulyar

Hadalsame Media