”Taa idinkama filanaynin!” – Muuse Biixi oo ka hadlay soo jeedin ahayd in Somaliland lagu daro ”liiska argagixisada” (Daawo)

0

(Hargaysa) 03 Nof 2021 – MW Somaliland, Muuse Biixi, ayaa aad u dhaliilay hadal ay yiraahdeen xubno ka tirsan Baarlaman-goboleedka Puntland oo ahaa soo jeedin ku saabsan in ”Somaliland lagu daro liiska argagixisada.”

Biixi oo ka hadlayey munaasabad lagu maamuusayey Maalintii la dhidbey Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa tilmaamay in aanu ”taa ka filanaynin Puntland”, isagoo doodda dhan ku sheegay mid la yaab lahayd.

”Ma aqaan sida ay rag waawayn uga suurtoowdo Somaliland hallagu daro liiska argagixisada taasoo Puntland laga soo jeediyey,” ayuu yiri Biixi oo ku dooday inuu jecel yahay Somalia oo nabad ku noolaata.

”Awal hore Xamar way ka socotey taa iyo tu la mid ihi, balse kama filaynin Puntland oo aanu jaar nahay oo nabad ku wada nool nahay oo is dhexmarro.” ayuu raaciyay isagoo sheegay inaysan colaad u haynin Puntland.

Muuse ayaa sidoo kale sheegay in uusan xumaan uga jawaabaynin hadalka xildhibaanadaasi, balse uu u toog hayn doono wixii kale ee xigsada.

Hadalsame Media