Kenya oo xaraashayda dayuurado ay Somalia lahayd & door ay ka qaadan karto DF Somalia

0

(Nairobi) 03 Nof 2021 – Kenya ayaa ku dhawaaqday inay xaraashayso 73 diyaaradood oo ku daahay Baarkinnada garoommadeeda diyaaraha, shirkadihii lahaana ay soo doonan waayeen.

Waxaa diyaaradahaa oo qiimo jaban lagu iibinayo ka mid ah laba diyaaradood oo ay lahaayeen Ciidanka Cirka Militeriga Soomaaliya, kuwaasoo noocoodu yahay (Antonov An-24) waxaana middiiba lagu iibinayaa KSh. 73,000 oo u dhiganta $655.41.

Sidoo kale laba diyaaradood oo ay leedahay Jubba Airways ayaa iyaguna ka mid ah diyaaradaha ay Kenya ku iibineyso qaabka xaraashka ah, waxaana ay ku qiimeysan yihiin Ksh. 406.800 oo noqonaysa $3652 dollar middiiba.

17 illaa 22 Nofeembar waad heli kartaa diyaaradahan xaraashka ah haddii aad lacalla iibsanayso.

Diyaaradahaaasi Soomaaliya ee taariikhiga ah waxay ku fiicnaan lahayd inay Soomaaliya iibsato oo ay Matxafka Qaranka dhigto.

Waxaa Diyaariyey: Yaxye Yuusuf

Hadalsame Media