Imaaraadka & Qadar oo dheel-siyaasadeed bilcaksi ah ku wajahaya Somalia & Itoobiya (Xaqiiqo cajiib ah)

0

(Hadalsame) 02 Nof 2021 – 2011-kii Markii uu dhacay Kacdoon kii Carabta ee lagu riday keligi talisyadii hoggaamin jiray Masar, Libya, Yemen, Suuriya iyo Tuunis waxaa billowday in dowladaha Khaliijka oo ay ugu horreeyaan Qatar iyo imiraadku iney ku tartamaan sidii booskii ay xukuumadahaas ka bexeen u buuxin lahaayeen, weliba markii ay isku dheceen Qatar iyo imaaradku ayaa sifiican loogu tartamay.

Masar markii hore waxaa ku guuleystay Qatar oo taagereysay Ikhwaanka, laakiin gadaal ayaa lagala wareegay oo hadda Imiraadka ayaa halkaas haysta.
Tunis sidoo kale maadaama Ikhwaan ku badnaa iyadana waxaa markii hore ku guuleystay Qatar, laakiin hadda doorashadii dambe war badan kama hayo.
Marka la joogo Libya Qatar waxey taagersantahay dowladda tabarta yar ee UN ku aqoonsanyahay Imaarad kuna wuxuu taagersanyahay General Xaftar oo doonaya inuu dowladdaas meesha ka saaro. Meelkasta oo Qatar joogtana Turkey ayaa ku lammaansan.
Yemen iyadoo dagaal ka socdo oo ay isku safyihiin dhammaan Khaliijku ayaa dagaalkii Qatar iyo Imiraadku Qarxay kadibna Qatar ayaa ka baxday dagaalka oo dhankii kale kasoo jeesatay, sidaas oo kale Siiriya iyagoo isku saf ah waxaa halmar Bishaar Alsad la heshiiyey Sacuudiga iyo Imiraadka, halka Qatar weli ay taagersantahay Jabhadaha dagaalamaya.

Suudaan markii Cumar Albashiir meesha laga saaray Qatar ayaa ku xooganeed, laakiin hadda waxey u muuqata xukunkii rayidka ahaa waxaa meesha ka saaray ciidanka waxaana gadaal ka tagaan Masar iyo Imaaraadka.

Midda la yaabka leh waxey tahay marka Soomaaliya la joogo dowladda dhexe waxaa taagersan Qatar, oo dooneysa in cidkasta dowladda dhexe la hoos keeno laakiin marka Itoobiya la joogo dowladda dhexe waxaa taagersan oo doonaya in maamul gobolleed yada awoodda laga qaado Imiraadka oo dagaalkii hore ee Tigreega ayey ka qayb qaateen, bil cagsi Qatariyiintu waxey taagersan yihiin Tigreega iyo Oromoda.

Waxaa Qoray: Maxamed Royal

Hadalsame Media