Dowladda Sweden oo keeni karta sharci ogolaanaya in qofka gurigiisa la jebin karo si loo baaro telkiisana la dhegeysan karo (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 02 Nof 2021 – Dowladda Sweden ayaa ka baaraandegeysa in booliiska iyo dacwad oogayaasha loo fasaxo inay adeegsan karaan tillaabooyin ka mid yihiin in qofka si qarsoodi ah telefoonkiisa loo dhegeyso, xitaa haddii aan qofku si la taaban karo loo tuhunsanayn.

Waxaa kale oo arrimaha ay dowladdu baarista ku waddo ka mid ah haddii ay suuragal tahay in xitaa si qarsoodi loo geli karo guriga qofka la tuhunsan yahay isaga oo ka maqan si kahortag ahaan ah, taasoo aan maanta sharciyan dhici karin.

Wasiirka Arr. Gudaha Sweden, Mikael Damberg, ayaa sheegay in tillaabooyinkan haatan kaliya loo adeegsado dembiyada waawayn sida argagixisada si looga hortago qaraxyada, balse haatan xitaa loo adeegsan kari doono kooxaha gaangiska ah ee dilalka qorshaynaya, mar uu shir jaraa’id qabtay.

Baarista haatan soconaysa ayay dowladdu doonaysaa in looga soo warceliyo ugu dambayn 2-da Febraayo 2023-ka.

Hadalsame Media

Facebook Comments