Milkiilaha Facebook oo carruurtiisa bara cilmi ku adag dad waawayn (Imisa jir ayuu ugu bilaabay muxuu se guriga ka qabtaa?)

0

(Menlo Park, CA) 01 Nof 2021 – Milkiilaha Meta ee Mark Zuckerberg ayaa la sheegay inuu habeenkii marka uu guriga tago uu gabdhihiisa baro waxyaabo ay ugu muhiimsan yihiin sida loo sameeyo coding-ka kombiyuutarrada.

Priscilla Chan, oo ah xaaskiisa ayaa Zuckerberg u dhashay gabdhigiisa Maxima, 5-jir, iyo August, 4-jir, waxayna sida ay ninkeeda uga go’an tahay inuu gabdhihiisa baro sida uu kombiyuutarku u shaqeeyo ama awaamiirtiisa loo dhiso ay uga sheekaysay The Times.

Marwo Chan, oo ay asaasaha Facebook isku barteen waayihii Jaamacadda fooqa sare ee Harvard University, ayaa sheegtay inay howlaha guriga kala leeyihiin iyada iyo Zuckerberg isagoo ku qaybsan inuu ilmaha habeenkii seexiyo.

“Mararka qaar buugaag ayay isla akhriyaan, marar kalena waxay isla sameeyaan coding (sida loo dhiso awaamiirta ama luuqadda kombiyuutarku fahmo).” ayay sharraxday, iyadoo tilmaantay inuu arrintan August u bilaabay markii ay 3-jir ahayd.

Chan, ayaa kasoo jeedda dalka Shiinaha waxayna sheegtay inay ku hadasho afafka  Mandarin iyo Cantonese, iyadoo sheegtay in Zuckerberg uu afka Shiinaha ee Mandarin ku ”ducaysto” markii uu habeenkii sariirta tago, balse ay ku yara adag tahay inay carruurtooda ka dhigaan kuwo ”laba luuqadlayaal ah.”

Zuckerberg ayaa horay Facebook usoo dhigay sawirka August oo baranaysa sida loo code gareeyo MacBook bishii Juun, isagoo adeegsada software-ka Kano oo uu sheegay inuu ilmaha u sahlan yahay.

Hadalsame Media