”MBS wuxuu qorsheeyey inuu Boqor Cabdallah ku khaarajiyo faraanti sumaysan!” – Madaxii hore ee Sirdoonka Sucuudiga oo arrimo badan kashifay!!

0

(Hadalsame) 01 Nof 2021 – Axaddii hore, Barnaamijka ka baxa hilinka Maraykanka ah ee CBS ee 60 Minutes ayaa lagu soo qaatay barnaamij si xun loogu fiiqay Dhaxal-sugaha Sucuudiga ee MBS.

Saad al-Jabri, oo haatan sal-dhigta dalka Canada horayna u ahaa madaxda sare ee Sirdoonka Sucuudiga sidoo kalena la taliye u ahaa Wasiir Gudeedkii hore ee Mohammed bin Nayef, ayaa aad u dhaleeceeyey Dhaxal-suge Mohammed bin Salman.

Wuxuu ku baaqay in ay beesha caalamku dunida iyo Bariga Dhexe ka qabato ninkan oo uu ku sifeeyey “dilaa halis ah oo psychopath ah oo weliba haysta hanti & tas-hiilaad ma dhamaadayaal ah.

Jabri ayaa xitaa barnaamijka u sheegay in 2014 uu Mohammed bin Salman ku gooddiyey inuu qudha ka jarayo adeerkii Boqor Cabdallihii geeriyoodey 2015-kii, isagoo u maraya faraanti sumaysan oo Ruushka laga keenay si uu booska ugu sallaxo aabbihii Boqor Salmaan oo uu haatan dalka la xukumo.

Jabri ayaa sidoo kale ku dooday in Bin Salman uu isaga usoo diray koox mashiidiyo ah oo dadka khaarajisa oo lagu magacaabo The Tiger Squad”, kuwaasoo Canada yimid todobaadyo uun kaddib markii uu Qunsuliyadda Istanbul ku qalay Jamaal Khashuuqji Oktoobar 2018-kii, kaasoo maqaallo lid ahaa ku qori jirey Washington Post iyo Middle East Eye.

Wuxuu kale oo Jabri sheegay in markii ay dhici kari waydey inay Canada ku khaarajiyaan, uu deeto Bin Salman xirtey laba carruur ah oo uu dhalay oo haatan ku xabisan Riyaad.

Tillaabadan ayaa muujinaysa in maamulka Maraykanka ee Joe Biden aanu weji badan ka lahayn MBS, isagoo markii uu xilka la wareegey bishii Jannaayo ku gooddiyey inay bedeli doonaan cidda ay kala hadlayaan Sucuudiga, warkaasoo ahaa duurxul ku socdey MBS.

Hadalsame Media