”Waxaad tiraahdeen Somalia waa dal fashilmay!” – Somalia oo laga furay wershad haatan loogu faanayo dalalka deriska ah (Daawo)

0

(Hadalsame) 31 Okt 2021 – Waxaa Somalia laga furay wershadda ugu wayn Bariga Afrika ee milixda soo saarta, taasoo ay shaqooyin badan ka helayaan dadka degaanku.

Wershaddan ayaa laga dhisay degaanka Xin-lebi oo ka tirsan Maamul-goboleedka Galmudug ee dalka Somalia, waxaana ka howlgelaya shaqaale iskugu jira Soomaali iyo shisheeye.

Waxaa wershaddan iska leh National Salt Industry Co. Ltd of Muqdisho oo ah sharikad waddani ah, waxayna arrintani kobcin doontaa wax soo saarka cusbo tayo ah oo dalka uga fillaan doonta in cusbo lasoo degsado.

Arrintan ayaa haatan Twitter ka noqotay mid loogu faanayo dalalka deriska ah, gaar ahaan, Itoobiya oo haatan ku jirta dagaallo kaba culus kuwii Somalia ka socon jirey 1980-meeyadii.

Waxaa la is barbardhigay wershadda Somalia iyo sida Itoobiya cusbada looga soo saaro qaab caadi ah oo garwayn lagu jebinayo.

Hadalsame Media