Turkiga oo weli halkiisii kasii wada beegsiga 10 Danjire oo reer Galbeed ah (Tillaabo jir-xumo ah oo uu qaaday)

0

(Ankara) 31 Okt 2021 – Turkey ayaan martiqaadin 10 Danjire oo reer Galbeed ah xilligii qaban-qaabada Maalinta Jamhuuriyadda dalkaasi.

10-kan Danjire ee reer Galbeedka ah ayaa metela, Maraykanka, Canada, Denmark, Finland, the Netherlands, France, Germany, New Zealand, Norway, iyo Sweden – waxayna soo saareen War Saxaafadeed wadajir ahaa oo ay ku dalbadeen sii daynta ganacsade Osman Kavala 18-kii Oktoobar.

Deeto MW Recep Tayyip Erdogan declared ayaa u jaray “persona non grata” oo ah tillaabada la qaado kahor inta aan la eryin diblomaasiyiinta, isagoo ku gooddiyey inuu eryi doono dhamaantood.

Tillaabadaa dambe ayaase laga maarmay kaddib kulan qarsoodi ahaa oo horraantii todobaadkan dhexmaray Turkiga iyo Maraykanka oo ogolaaday inuusan ku tuman Qodobka 41-aad ee Vienna Convention oo xadaynaya xiriirrada diblomaasiga ah iyadoo ay Safaaradda Maraykanka iyo kuwa kale ay soo saareen qoraal ay ku adeecayaan qodobkaa..

Yeelkeede, tiiyoo ay taasi dhacday, misna 10-kan Danjire laguma casuumin xaflad lagu qabtay Madaxtooyada Ankara oo lagu casuumayey 98-guurada Maalinta Jamhuuriyadda.

Hadalsame Media