SAWIRRO: Arrin ka jirta Xeebta Lido ee Muqdisho oo sixitaan u baahan & waxa khaldan?

0

(Hadalsame) 31 Okt 2021 – Magaalada Muqdisho ayaa dhismaysay xitaa sanadihii ay muquuranaysey dagaallada sokeeye, balse waxaa jirta hal iin oo ah in aysan magaaladu lahayn qorshayn magaalo oo heer caalami ah.

Tusaale ahaan, ma jiro hannaan bullaacadeed oo isku xiran oo magaaladu biyaha iskaga saarto, iyadoo marka laga reebo degmooyinka qadiimiga ah qaarkood aysan kuwa cusubi gebi ahaanba lahayn shabakad bullaacadeed oo isku xiran, iyadoo ay dagaallada sokeeye kahor ay biyuhu iskugu tegi jireen biyo-shuurro ama dasheegyo magaalada laga sameeyey. Waxaan sidoo kale aad u baaxad waynayn jidadka magaalada, waloow uusan inta badan xumayn cabbirka guud ee guryaha loo safay marka isku raranta laga reebo.

Yeelkeede, waxaannu halkan kusoo bandhigaynaa hal khalad oo haatan ka socda cabbirka hoteello iyo dhismayaal laga dhisay ama dhisayo xeebaha magaalada, kuwaasoo cunay in badan oo ka tirsan dhulkii xeebta oo ah mid guud oo ay dadku leeyihiin.

Sida aad sawirradan ka arki kartaan waa 3 magaalo oo kala ah Muqdisho, Luanda (Angola) & Rio De Janeiro (Brazil), adigoo fahmi kara farqiga quruxda badan ee labada dhinac u dhexeeya.

Labada magaalo ee dambe waxaa xeebta loo banneeyey dhul aad u wayn, intaana loogama harine inta aan dhisme meesha soo gelin waxaa lagu xijiyey barxad ama jidad, kaddib ayaana dhismayaashii degaanka lagu xijiyey.

Halka Muqdisho oo ay ahayd in aan xeebta loo dhaafin halka uu laamigu ku yaallo oo aannu qalin cas ku sumadnay (kaasoo markii horeba xeebta aad ugu dhowaa) misna xeebtii bataaxa ahayd gudaha loo galay, taasoo muujinaysa qorshayn xumo magaalo (urban planning), waana arrin weli laga gaaro maadaama aan xeebta weli la wada dhisin.

Waxaa kale oo aan dunida ka jirin Safaarad dal shisheeye leeyahay oo ku taalla meel xeeb ah, taasoo ah Safaaradda Turkiga, balse taas waqti kale ayaa laga doodi karaa.

Caasimadda Angola ee Luanda
Rio de Janeiro
Rio

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media

Facebook Comments