Sarkaal la sheegay in Uganda lagu khaarajiyey oo Somalia laga sheegay (Halka uu joogo)

0

(Kampala) 30 Okt 2021 – Gaashaanle Ungandan ah oo lagu magacaabo Ezra Byaruhanga ayaa ay warar soo baxay sheegayeen in lagu toogtey gudaha dalkiisa.

Sarkaalkan oo ka tirsan ciidamada AMISOM ee Somalia ka howlgala ayaa la sheegay in lagu toogtey gobolka Karamoja ee dalkiisa.

Yeelkeede, afhayeen xigeen u hadlay ciidanka UPDF ee Uganda ayaa beeniyey warkaasi isagoo xaqiijiyey in aanu xitaa Uganda joogin sarkaalku.

“Gaashaanle Ezra waa nool yahay wuuna caafimaad qabaa wuxuuna ku sugan yahay Carbiska isagoo ah Taliyaha Battle Group 33.” Ayuu yiri afhayeenku.

Hadalsame Media