Lubnaan & dalalka Khaliijka oo ay meel xun ka gaartey & arrin muhim ah oo ay Soomaalidu ka baran karto

0

(Hadalsame) 30 Okt 2021 – Qofka iyo Shaqada. Waxaa dadka in badan isaga khaldama (qofka shakhsi ahaan) iyo (shaqada siyaasadda). Waxay moodaan: Professor heer sare gaarey in uu (siyaasi) heer sare ah noqon karo! Ama (Weriye iyo Suxufi) Naajix ah in uu (siyaasi naajix) ah noqon karo! Ama Qof amaano iyo Hufnaan leh in uu (hogaamiye) laga yaabay noqon lahaa! Ama wadaad (muxaadaro) macaan in uu maamul fiican noqon karo! Intaasuba sax ma aha.

Qofku in uu meel ku soo caan baxay oo ku fiicanyahay macneheedu ma aha in uu shaqada (siyaasadda) ku soo bixi karo, balse waxaaba laga yaabaa ninkii shaqadiisaas caanka ku noqday oo heer sare ka gaarey, in uu (siyaasadda) fasalka ugu horreeyaba ku fashilmo.

Saxafi weyn oo lubnaani ah ayaa wasiir laga dhigay. Muddo dheer ayuu TVyada ugu caansan khaliijka meel weyn ka gaarey.

Hayeeshee, maanta George Qardaaxi wuxuu si fudud oo xirfadda siyaasadda iyo dibloomaasiyadda ka madhan, sabab ugu noqday (Lubnaan) iyo dawladaha khaliijka ee (Lubnaan) ku noolayd, in uu dhibaata dhex dhigo, danjirayaashii Lubnaan ee sucuudiga, imaaraadka, kuwait iyo baxrayn laga soo cayriyo, shirkadihii lubnaanna la kala diro, kuwii lubnaan joogeyna laga soo saaro.

Waxaas oo dhan waxaa sababay (hadal) yar oo aanu ku khasbanayn, ama si kale oo diblomaasiyad ku jirto u sheegi karey, laakiin horaa loo yiri: Qofkii wax aanu garanayn faraha la gala, belaayaa ka timaadda! Maxaa siyaasadda soomaaliya tusaalayaal badan ku jira.

Waxaa Qoray: Sh. Maxamed Idriis

Hadalsame Media