Ingiriiska oo ku hanjabey tillaabo aargudasho ah kaddib markii ay Faransiisku qabsadeen Dooni dalkaa laga leeyahay xayiraadana ballanqaaday (Salka muranka)

0

(Hadalsame) 30 Okt 2021 – UK ayaa Faransiiska ugu hanjabtey in ay ka qaadayso tillaabo aargudasho ah haddii ay Paris sii waddo cunaqabatayno ay ku gooddisey kaddib muran dhanka kalluumaysiga ah oo labada dal ka dhex aloosmey.

Wasiirka Bay’ada UK, George Eustice, ayaa Jimcihii sheegay in London ay xaq u yeelan doonto in ay ficil kasta uga jawaabto “si u dhiganta”, kaddib markii lagu murmay shatiyada la siiyo doonyaha Faransiiska ee ka kalluumaysta biyaha UK.

Paris ayaa UK ku haysata inaysan cadaalad falin gaar ahaan doonyaha ka jillaabanaya agagaarka gasiiradda Jersey, oo ka tirsan UK balse 14 mayl uun u jirta xeebta Faransiiska.

Waxay UK ku eedeeynayaan inay jebiyeen Heshiiskii Brexit ee ay la galeen EU Diseembar 2020, kaddib markii ay ka bexeen ururka 31kii Jannaayo.

Waxaa heshiiska ku jirta in kalluumaysatada EU la siiyo rukhsad ay uga dabtaan biyaha ballaaran ee UK haddii ay yihiin doonyo halkaa ku sugnaan jirey Brexit kahor.

Yeelkeede, Arbacadii ayay Faransiisku ku goodiyeen inay dekedohooda ka celin doonaan doonyaha kalluumaysiga ee UK, inay badeecada UK ee iyaga usoo geleysa ku adkayn doonaan kastamkooda iyo inay ceejin doonaan korontada iyo saanadaha tamarta ee ay siiyaan Jersey wixii loo gaaro 2da Nofeembar haddii aan kahor khilaafka oogan laga heshiinin.

Xaalku wuxuu sii xumaaday kaddib markii ay Arbacadii qabsadeen dooni kalluumaysi oo laga leeyahay UK oo ay sheegeen inay soo gashay biyaha Faransiiska.

UK ayaa shalay u yeertey Danjiraha Faransiiska ee London si sharraxaad loo waydiiyo. UK ayaa sidoo kale heegan gelisey ciidanka badda.

Hadalsame Media

Facebook Comments