Waa ayo cidda gadaal ka riixaysa afgembiga ay ciidamadu ka sameeyeen dalkaasi Suudaan?!!

0

(Hadalsame) 29 Okt 2021 – Kacaankii dadweynaha Soodaan ee la gu riday maamulkii baaddilka ahaa ee Cumar Bashiir sannadkii 2019 waxaa ka dhalatay yididdiilo ah in umaddaasi heli doonto nolol dawladeed oo cisi iyo karaamo leh.

Waxaa la dhisay gole qaran oo ay ku wada jiraan dhammaan xoogaggii kacdoonka sameeyay iyo millaterigu. Waxaa loo ballansanaa doorasho qof iyo cod ah oo dalka la ga qabto bisha Julaay sannadka 2023.

Laakiin aroortii Isniintii tagtay ayuu janan Cabdifataax Burhaan dalkii inqilaabay. Raysalwasaare Xamduuk guriga ayuu ku xabbisay, xukuumaddii wuu ka la eryay, dastuurkii iyo heshiiskii kacdoonkana wuu tuuray.

Sidaa darteed Soodaan wax ay dib u gu noqotay bartii eberka, kacdoonkii dhiigga badan loo soo qubayna mid fashilmay buu u eg yahay haddii aan maalmaha dhow wax weyni dhicin.

Waxa dhici kara ee midhihii kacdoonka badbaadin karaa waa laba: dadweynaha oo mar kale kaca oo dhimasho cusub u badheedha iyo Maraykanka oo tallaabo miiggan qaada.

Maraykanku durba wax uu xayiray 700 milyan oo Dollar oo uu Soodaan siin lahaa, laakiin lacagtaa mid ka badan waxaa la diyaar ah Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Sidee afgembigani ku suuroobay? Janan Cabdifataax Burhaan waa eey silsilad u gu xidhan Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar, kuwaas oo si daran u la dirira xorriyad iyo dimuqraadiyad ka hirgala caalamka Carabta.

Dagaalka Yaman in ciidamo Soodaan ah oo aad u tiro badani ka qaybgaleen kuna le’deen waxaa ka dambeeyay oo hawsheeda hoggaaminayay ninkan addoonka ah. Saddexdaa dal baa haddaba ka dambeeyay in uu dalkiisa inqilaabo oo dimuqraadiyadda dhiciseeyo.

Dhanka kale Soodaan waxaa ku badan xag-jirka iyo dhaqanraaca, kuwaas oo aan la dhacsanayn dimuqraadiyadda.

Dadkaas bay Sacuudiga iyo Imaaraadku lacag aad u badan ku maalgashadeen, dadkaas baana raacsan inqilaabka.

FIIRO! Maqaalka wargeyska iyo qoraalkaygani waa ka la laba.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media